Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa qaranka Somaliland katacsiyeeyay Geerida Marxuum xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo kamid ahaa munayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland oo xalay ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Maxadweynaha Somaliland ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka Somaliland, golayaasha Qaranka wakiiladaiyoguurtida qoyska qaraabada,asxaabta kana tacsiyeeyay geerida marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale,waxaanu marxuumka IILLAAHAY uga baryay in uu jannooyinkiisa macaan ugu deeqo .
War-saxaafadeed ka soo baxayxalay Qasriga Madaxtooyada oo lagu soo saaray Tacsida Madaxwaynuhu dirayo,ayaa u dhignayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada oo ku geeriyooday Hargeysa maanta, 08/03/2015. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee wakiilada, iyo guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Wakiiladda Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha oo Shacbiga...