“Dastuurka Somaliland waxa uu xaq u siiyay qof kasta oo muwaadin ah naafa iyo mid aan naafo ahayn in la doorto isna uu wax doorto”.. Wsiir ku Xigeenka warfaafinta

0
384

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Shugri Xariir Ismaaciil ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dadka naafada ka qaybqaataan horumarka dalka ka socda.
 
Wasiir Shugri ayaa sidan ka sheegtay kulan shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagaga hadlayay sidii dadka naafada ahi ay  uga qaybqaadan lahaayeen doorashooyinka,  waxaanay tilmaantay in dastuurka Somaliland xaq u siiyay in la dooran karo isna wax dooran karo qofka naafada ahi, waxaana ay xustay in dalka lagu hagayo dastuurka u yaala.
 
Shugri Xariir oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Dadka naafada ahi  waxa ay ka mid yihiin bulshadda  reer Somaliland, waana qayb muhiim ah  oo ka mid ah udub dhexaadka bulshadeena waxa weeyaan waa qayb aynu u baahanahay inay bulshadda cilmigooda ku soo biiriyaan, waa dad imika isku taagay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarinta dalka.
Dastuurka   Somaliland waxa uu xaq  u siiyay qof kasta oo muwaadin ah  naafa iyo mid aan naafo ahayn in la doorto isna uu wax doorto, markaa waxa aynu ka duulaynaa dastuurkeena oo inoo ah waxa dalka lagu hagayo.”
 
 
Wasiir ku xigeenku waxa kale oo ay sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo fuliyay balanqaadkiisii  “Madaxweynaha maanta jooga waxa ka go’an balanqaadkiisii uu balanqaaday wakhtigii xisbiga Kulmiye qaybo faro badan ayuu fuliyay dhinaca siyaasadda hadaynu ka eegno doorashooyinka oo wuxuu furay ururadii adaxa banaanaa, qaybtii kaga aadan kharashka lagu galayo doorashooyinka soo socda Madaxweynuhu wuu bixiyay” ayay tidhi wasiir ku xigeenka warfaafintu.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply