Weerarada Bam ee ka Dhaca Masar

0
381

Labo ruux ayaa ku dhimatay 30 kalena waa ku dhaawacmeen weerar bam oo lagu bartilmaameedsanayay booliska iyo ciidamada Sinai ee Masar. Dowladda Masar ayaa sanado dagal ah kula jirtay kacdoonka kordhaya ee waqooyiga Sinai iyo weerarada joogtada ah ee lagu qaado booliska iyo ciidmada kuwaasi oo kordhay ilaa afgambigii 2013kii ee madaxweynihii hore Mohamed Morsi.

Weerarka ayaa qof gaadhi ku sitay walxaha qarxa u kaxeeyay albaabka xerada El-Arish isagoo diiday inuu joojiyo. Booliska ayaa xabadeeyay gaadhiga taasi oo keentay inay qarxaan waxa ku jiray gaadhiga. Saraakiisha ayaan warbaahinta la hadal maadama aysan fasax u haysan.

Rayidka weerarkaas ku dhintay ayaa ahaa qof meesha marayay oo darwal ka ahaa shirkad koronto oo halkaasi ka dhaweyd halka qofka kalena uu ahaa ciidan. Booliska ayaa ku dhaawacmay firirka qaraxa.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha, Hani Abdul-latif, ayaa sheegay in qofka wax qarxiyay uu isku dayayay inuu galo hotel u dhawaa xerada oo ay tiro saraakiil boolis ah ku jireen.

Axadii ayuu, Gen. Mohammed Samir, oo ah afhayeenka rasmiga ciidamada sheegay in ciidanka Masar iyo diyaaradaha helikobatarka oo hubeysan ay ku dileen 70 kuwa kacdoonka waday waqooyiga Sinai iyagoo xidhay 23 looga shakiyay inay qeyb ka yihiin kuwa kacdoonka wada, waxayna gacanta ku dhigeen tiro badan oo qoryo iyo rasaas ah.

Marka laga reebo Sinai waxaa jira weeraro iyo qaraxyo ka dhaca Qaahira iyo magaalooyinka kale ee Masar.

Weerarada ayaa cabsi geliyay shirka dhaqaalaha todobaadkan kadib dhici doona kaasi oo la doonayo in lagu soo jiito maalgelin caalami ah.

 

 

Leave a Reply