Shil Sababay Dhimashada 8 Faransiis ah

0
393

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sharaxay sida weyn ee uu uga murugeysan yahay dhimashada sideed ruux oo Faransiis ah oo ay ku jiraan sadax ruux oo lagu yaqaano ciyaaraha.
Waxay ku dhinteen shil labo diyaaradaha Helicopters-ka ah oo ka dhacay wadanka Argentina. Saaxiibada ciyaartoyda ayaa sheegay inay aad uga naxeen.
Dadka dhintay waxa ay ka qeybgalayeen barnaamij uu dhigayay Tv Faransiis ah. Saraakiisha waxa ay ku sheegeen in sadaxda ciyaartoy ee dhimatay ay kala yihiin Camille Muffat oo ku guulaysatay billadda dahabka ee dabaasha London 2012, Alexis Vastine oo feedhyahan ahaa, iyo Florence Arthaud oo badmareen aheyd. Labada duuliye oo u dhashay Argentina ayaa geeriyooday.
 

Leave a Reply