Wasiirka Cusub Ee Xanaanada Xoolaha Oo Xilkii La Wareegay

0
467

Hargeysa, (Dawan)- Wasiirkii Hore ee wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Cabdi Aw-daahir Cali ayaa xilkii wasaaraddaas ku wareejiyay wasiirka Cusub ee dhawaan uu madaxweynuhu usoo magacaabay. Munaasibadda ay xilka kula kala wareegayeen wasiir ku-xigeenka iyo wasiirka cusub ee wasaaradda xanaanada xoolaha ayaa lagu qabtay huteelka Safari ee magaalada Hargeysa. Wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay

Agaasimaha Guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Jaamac Maxamed Odowaa ayaa  ka waramay inta ay wasaaradda joogeen horumarka buuxa ee ay ku talaabsadeen waxaanu yidhi. “Waxqabadka ay gaadhay wasaarada xanaanada xooluhu waxa ugu weyn dhismaha ay hadda gasho, taasoo ay ku baxeen boqolaal kun oo doollar,waxaa ka mid ah tiimam isku xidhan oo la yidhaa Mobile Teams, kuwaasoo u baxa gobollada dalka runtiina marka loo eego dalalkan Afrika ee inagu xeeran aan ka jirin.”
Dhinaca kale agaasimuhu waxa uu sheegay intii ay xilka hayeen inay ku talaabsatay wasaaraddu horumar dhinac xanaanada xoolaha ah oo lagu daryeelayo xoolaha laguna talaalayo kuwa aan haysan talaal si looga bad-baadiyo cudurada ku dhaca xoolaha, maadaama oo ay xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka. “Aniga oo ka wakiil ah dhamaan shaqaalaha wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland waxaan leeyahay soo dhawoow wasiirka cusub, waxaanan sagootinayaa wasiirkii hore oo laga dhigay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, wasiirka cusubna waxaan u ballan qaadayaa inaanu si wanaagsan ula shaqayn doono.”

Wasiiru-dawlihii hore ee wasaarada xanaanada xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdale, waxaanu isna xilka ku wareejiyay wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradaas, waxaanu sheegay inuu xilku yahay meerto, maalinba qof hayo.

Wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaarada xanaanada xoolaha Cali Maxamed Cilmi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo hadii aanu roob da’in ama uu yaraado in laga tabaabushaysto, isla markaa xoolaha loo doono wixii ay kaga bixi lahaayeen abaarta dhulkii qalajisay.

Wasiirkii hore ee wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Cabdi Aw-daahir Cali ayaa sheegay inuu wasaarada xanaanada xoolaha gaadhsiiyay meel aad u sareysa, isagoo xusay inay kasoo qaadeen meel hoose. “Mudane wasiir waxaan maanta kugu wareejinayaa wasaaradda xanaanada xoolaha oo ah wasaarad laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka waa wasaarad maanta ay u dhantahay dhamaan adeegyadii ay Ku hawlgalaysay ee lahaa dhismayaal, shaqaale, qalab, shuruuc, Somaliland inta badan dhaqaalaheedu wuxuu ku xdhanyahay xoolaha nool 70% dhaqaaleheena 60% GDP waa xoolaha iyo 85% oo ah lacagta inaga soo gasha waxaynu dhoofino  waxaanay ka timaadaa xoolaha.” ayuu yidhi wasiir Cabdi Aw-daahir, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.”Mudane wasiir, waxaan kugu wareejinayaa 335 shaqaale oo 30 yihiin shaqaalihii hawlgalay sannadkan 2015, 195 shaqaalahaa ka mid ahina waxa la qoray intii dawladda xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegtay oo ka badan shaqaalihii 20-kii sannadood ee ay Somaliland jirtay oo dhamaa 140 keliya Una badnaa hawlgab, waxaanu ka duulaynay siyaasadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee ah kor u qaadidda shaqo abuurka iyo daryeelka xoolaheenna, shaqaalahaas 80% waa dhakhaatiir xoolaha ah oo ka soo qalin-jabiyay jaamacadda Burco, dugsiga xoolaha ee Sheekh iyo jaamacadaha Ethiopia. Maanta inta badan gobollada dalka waxaa ka hawlgala dhallinyaro jaamiciyiin ah oo u heegan ah daaweynta iyo daryeelka xoolaha.”

Wasiirka cusub ee wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa isna sheegay inuu xilkaas sidii loogu talogalay u gudan doono, waxaanu shaqaalaha u soo jeediyay inay ula shaqeeyaan sidii ay wasiirkii hore ula shaqeeyeen.

Gaba-gabadii iyaguna waxa madassha ka hadlay masuuliyiin ka socda hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin wasaarada xanaanada xoolaha, kuwaasoo dhamaantood ka maro kacay inuu wasiir Cabdi Aw-daahir ahaa shaqsi wanaagsan oo wasaaradda kor u qaaday.

 

 

 

Leave a Reply