Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Kulamo ay Nairobi Kula Yeelatay Qaar ka mid ah Dawladaha Reer Galbeedka

0
361

“Waxaanu Dawladaha Ina Taageera uga waranay  siday u fulaan Mashaariicda Horumarinta iyo Halka ay marayso siyaasadda dalku”

 

“Waxaanu la kulanay  Safaaro iyo Ha’yado ay ka mid yihiin baanka horumarinta Afrika,  baanka  adduunka iyo DFID” Wasiirka Khaarajiga

By: Khadar  Cabdi Muuse

 

 Nairobi (Dawan): Wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, oo maalmahanba safar shaqo ku jooga magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya  ayaa kulamo kala duwan la yeeshay  dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha ah ee somaliland taageera iyo wakiiladda  safaardaha  ay dawladaha reer Yurub ku leeyihiin magaaladda Nairobi.

 Weftigan  oo  Axadii todobaadkan  u kicitimay Kenya, ayaa u jeedadda socdaalkoodu waxa uu ka danbeeyay  casuumad ay UN u fidiyeen si ay qaadhaan-bixiyeyaasha iyo hay’adaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka warbixin uga siiyaan, waxyaabaha mashaariicdaasi ka hirgalay, kuwa aan qabsoomin iyo baahida jirtaa inta ay le’eg tahay iyo sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana ay u wada shaqayn lahaayeen Somaliland iyo hay’adahaasi.

 

 

Sida uu noo sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, oo isagu weftiga hogaaminaya oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Dawan, isagoo ku sugan magaaladda Nairobi. Waxaanu tilmaamay Md. Biixi  in booqashadan ay ku tegeen Kenya ay ka danbaysay martiqaad ay u fidisay Jamciyadda Quruumaha Ka Dhexaysa.  Kaasi  oo ujeedadiisu ay tahay kulamo qiimayn ah oo ay la yeelanayaan dawladaha iyo hay’adaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarinta iyo sidoo kale qiimayn lagu samaynayo mashaariicda ay qaadhaan bixiyeyaashu maalgeliyeen ee Somaliland ka socda, wax ka hirgalay iyo sidii loo sii wadi lahaa.

 

 

 

Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu sheegay in mudada ay Nairobi joogaan inay kulamo la yeelan doonaan qaar ka mid ah safiiradda halkaasi degan ee wadamada Yurub, hay’ado kala duwan iyo sidoo kale dawladaha taageera Somaliland.

 

 

 

 

Wasiirka Khaarajeigu isagoo ka hadlayay  hay’adaha iyo safaaradaha ay kulamadda la yeesheen waxa uu yidhi “Waxaanu la kulanay dad aad u badan, oo isugu jiray  deeq-bixiyeyaasha,  safiiro iyo hay’adaha mucaawimadda bixiya iyo sidoo kale dawlado aanu halkan balamo kula lahayn ayaanu la kulmaynaa, oo ay ka mid yihiin baanka horumarinta Afrika (African Development Fund),  baanka  aduunka (World Bank), DFID iyo safaaraddo badan, oo aanu kala hadalnay inay dalka yimaadaan, kuwaasi  oo ay ka mid ahaayeen safaaradaha Jarmalka, Talyaaniga, Britain, Maraykanka, Faransiiska, Norway, Denmark, Netherland iyo kuwo kale ayaanu la kulmaynaa iyo wadamada taageera Somaliland, ee qaadhaan bixiyeyaasha ah oo dhan.

 

Waxa kale oo aanu la kulanay wadamadda gacanta ka geysta sanduufqa horumarinta Somaliland SDF, EU-da, UNDP, USAID iyo  wixii hay’adaha UN-ka iyo kuwo kale ee caawimooyinka ina siiya. Weli shirku wuu noo socdaa, intii aanu la kulanayna si fiican ayuu noogu dhacay”.

 

 Waxaanu intaasi ku daray “Mashaariicda  ay ina siiyaan iyo halka ay wax marayaan iyo baahidayadda  in aanu u qadino, ugana warano arrimaha siyaasadda iyo halka uu wadanku marayo  iyo sidii aanu u wada shaqayn lahayn iyo hawlaha wadanka ka socdaba in aanu aad iyo aad u fahamsiino ayaanu kala hadalnay. markaa safar aad iyo aad u muhiim ah ayuu ahaa, oo aanu isleenahay midho wanaagsan ayuu dhali doonaa. Waxaanu ahaa safarkaasi  mid loo baahnaa, waayo beesha caalamka intooda badani halkan  Kenya ayay wada joogaan, markaa in aynu qadiyadeena iibgayno, horumarkeena iyo waxa aynu qabsanay ka hadalno iyo waxyaabaha loo baahan yahay in aynu qabsano waa mid aad u muhiim ah.   socdaalkayagu sidaas ayuu ahaa” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

 

 

 

Wasiirka oo aanu weydiinay in hay’adaha iyo dawladaha ay la kulmeen inay ku jiraan kuwa Somaliland doorashooyinka ka caawiya  iyo haddii-ba ay la kulmeen wixii ay kala hadleen, waxa uu ku jawaabay “Waanu  la kulanay qaadhaan bixiyeyaasha intooda badan, qaar badana way noo hadheen, sida USAID, DFID iyo  World Bank oo aanu berito (maanta) arkayno.  markaa kolay waxyaabaha aanu kala hadlayno ayay ka mid tahay” ayuu yidhi wasiirku.

 

 Wasiirka Khaarejigu waxa uu tilmaamay in kulamadaasi ay soo agaasimeen UN iyo balamo  ay hore ula lahaayeen hay’adaha iyo madaxda kale ee ay kulamadda la yeesheen.

 

  Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “UN-ka  ayaa  soo qaban qaabisay oo nagu soo casuumay kulamadani.   Balamo fara badan ayaa la noo qabtay oo aanu anagu dalbanay, oo aanu uga waramayno wadanka iyo xaaladihiisa, sida nabadgelyadda, geedi socodka dimuqraadiyadda, siyaasadiisa, horumarkiisa iyo halka ay wax marayaan, si aanu u wargelino, oo aanu qadiyadayadda si fiican ugu sharaxno hay’adaha deeq bixiyeyaasha ama safaaradaha ama dawladaha kala gedisan ee halkan degan, ee inoo yimaada ee wadankeena ku lugta  leh. Qolooyinkan aan la kulanay dhamaantood waa kuwa mucaawimooyinka Somaliland taageera. In aad qadiyadaada iyo wixii aad u baahan tahay iyo wixii lagu siiyay iyo halka ay wax marayaan, in aad warbixin ka siiso waa mid loo baahan yahay.”

 

 

Waxa kale oo uu intaasi ku daray wasiirku in ilaa dhamaadka todobaadkan ay joogi doonaan Nairobi, isla markaana ay sii socon doonaan kulamadda ay la yeelanayaan  masuuliyiinta kala duwan. Isagoo wasiirku safarkaasi ku tilmaamay mid aad u muhiim ah.

 

 

 

 “illaa Saddexda    maalmood ee soo socda waanu joogaynaa Nairobi oo kulamadu way soconayaan, markaa ilaa Jimcaha way soconayaan, waa safar weyn oo muhiimadiisu ay tahay in aanu war bixin u gayno, halka mashaariicdu marayso halka ay siyaasada wadanku marayso iyo wixii aanu u baahanahay ee mucaawimo ama horumar ah ee aanu u baahanahay in lanaga caawiyo in aanu u bandhigno.  markaa runtii si fiican ayay noogu socotaa,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

 

Weftigan ka socda Somaliland ee ku sugan Kenya, waxaa xubno ka ah wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo weftiga hogaaminaya, wasiirka qorsheynta, wasiirka caafimaadka, wasiirka beeraha, wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo xubno khubarro ah oo Somaliland kala taliya mashaariicda horumarinta.

 

 

Leave a Reply