Baanka Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Baan Muqdisho Ka Diiwaan Gashan

0
384

Hargeysa(Dawan):-Baanka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay   baan ka diiwaan gashan Muqdisho  oo la yidhaahdo IBS oo sheegay in ay xarun ka furanayaan Somaliland, sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters.
Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo wargeyska DAWAN,  wax ka waydiiyay sheegashada baanka ka diiwaan gashan Soomaaliya ee sheegay in ay xarumo  ka furanayaan dalka Somaliland,ayaa caddeeyay in aanay jirin wax ruqsad ah oo ay baankaa siiyeen iyo wax xidhiidh ah oo dhex maray midnaba.
“Wax ruqsad ah oo aanu siinay ma jirto baankaa aad sheegayso. Maya wax xidhiidh ahi nama dhex marin ruqsadna  namuu soo waydiisan,”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi  Dirir Cabdi
Baanka ka diiwaangashan Soomaaliya oo sheegtay in uu yahay baan ganacsi  saamilay ah oo lagu magacaabo International Bank Of Somalia,ayaa sheegay in ay xarumo ka furanayaan Somaliland isla markaana ay bixin doonaan sheerer  ay kaga qayb galinayaan dadku in ay saami ku yeeshaan baankooga.
Nin lagu magacaabo Xasan Yuusuf oo u waramay wakaalada wararka ee Reuters oo ay ku sheegtay in uu yahay guddoomiyaha Baankaas ayaa sheegay in ay ku tallo jiraan sidii ay xarumo ugu yeelan lahaayeen Somaliland.

FaysalXiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply