Xisbiga KULMIYE Oo Burhaantiisa Ku Soo Bandhigay Dhoola-tus ay Ku Sameeyeen Hargeysa

0
371

Hargeysa (DAWAN)- Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa dhoola-tus uu ku soo bandhigay taageerayaashiisa Hargeysa kaga jawaabay eedaymaha mucaaridku u jeediyey xukuumadda iyo xisbigeeda ee la xidhiidha dib-u-dhaca ku yimi qabsoomidda doorashooyinka u qorshaysnaa 26-ka bisha June ee 2015-ka, kadib markii dhawaan Guddiga Doorashooyinku shaaciyeen in diiwaangelinta codbixiyayaasha la bilaabi doono bisha July ee sannadkan, iyagoo aan qabashada doorashada waqti u qaban.
 
Xaflad aad u ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ku qabtay huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa khamiistii, kana qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, hoggaanka sare iyo guddiyada kala duwan ee xisbiga, wasiirro iyo masuuliyiin badan oo xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno ka kala tirsan Baarlamanka iyo golayaal degaan, badhasaabo, maayarro, siyaasiyiin kala duwan oo ku jira xisbiga iyo taageerayaal lagu qiyaasay inay ka badnaayeen shan kun qof oo kala matalayey degmooyinka iyo xaafadaha magaalada, kuna wada jeeniqaarnaa calanka astaanta u ah KULMIYE, waxa lagaga hadlay mowqifka xisbigu ka taagan yahay dib-u-dhaca doorashooyinka, masuuliyadda cidda leh habsaanka yimi iyo aragtida ay ka qabaan nidaamka dawladnimada dalka ee kadib 26-ka June.
Guddoomiyaha KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in marka muddo-xilleedka xukuumaddu dhammaado26 June 2015 la raaci doono dastuurka, waxaannu yidhi; “Waxaynu ognahay in Guddida Doorashooyinka Qaranku caddeeyeen waqtiga ay bilaabmayso diwaangelinta codbixiyeyaasha, saddexda xisbina ku raaceen arrinkaas.  Muddo-xilleedka xukuumaddu markuu dhammaado 26 June 2015 waxa la raacayaa dastuurka. Xukuumadda ayaa si wadi doonta hawlaheeda, dalkuna nabad ayuu ahan doona Ilaahay idankii.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in markasta oo hawlaha doorashooyinku soo dhawaadaan dalku galo yooyootan iyo xaalad kacsan, “Dhawr iyo tobankii sanno ee xisbiyadu jireen marka doorashooyinku soo dhawadaan waxaynu galnaa xaalad kacsan, waxana shacbiga lagu dhago barjeeyaa hadallo xajiin leh, qabyaalad, aflagaado shaqsiyadeed oo la isku marinayo hawada, iyadoo mararka qaarkood la gaadho heer aad u liita. Dadka waxaa ku hadlayaa waa intii ay ummaddu u arkaysay hormoodka, waana siyaasi, madax-dhaqameed, aqoonyahan, dhallinnyaro iyo haween.
Xisbiyada qaran iyo shacbigaba waxaa la gudboon maanta inay ka baydhaan jidka yooyootanka, waana in aynnu kor u qaadno aragtideenna, sababtoo ah qabyadeenna ayaa badan oo waxaynnu leenahay cadaw aan oggolayn qaramnimadeenna.”
Md. Muuse, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisuba dedaal ugu jiraan horumarka Somaliland, isagoo xusay in muddada ay xilka hayeen wax badan ka qabteen arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, ammaanka, tacliinta iyo arrimaha bulshada.
“Xisbiyada qaranka waxaynu u sameysanay in ay falkiyaan tallooyin wax ku ool ah oo ummadan ku gaadho nolol ka wacan tan ay maanta ku jirto. Umaynaan sameysan in ay inagu keenaan murug iyo xafiiltan dhexdeenna ah. Xisbiyada mucaaridka waxaannu ku ixtiraameynaa sharciyadooda. Waxaannu ku ixtiraameynaa in aannu ku kala duwanaanno fikradaha. Waxaannu soo dhaweyneynaa in aannu tartan xalaal ah u galno hoggaaminta dalka, hasayeshee ma oggolaan karno in ay nagala boodaan   xayndaabka sharciga,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Isagoo intaa ku daray; “Xisbiyada mucaaaridka waxaannu ugu baaqaynaa inay u garnaqsadaan hab sharciga waafaqsan, kana dhawrsadaan wixii xamaasad kicinaya, midna ha la ogaado, waxa aynu dawlad u dhisannay oo madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka u doorannay inay nabadgelyada dalka ilaaliyaan, ciddii sharciga ku xad-gudbaysana joojiyaan, kadibna  innagu hoggaamiyaan horumar dhaqaale, caafmaad iyo aqoon.”
Waxa kaloo Guddoomiyuhu sheegay in xisbigooda KULMIYE aaminsan yahay in midnimadu ka fiican tahay khilaafka, waxaannu yidhi; “Xisbiga KULMIYE wuxuu aminsan yahay in midnimadu ka wanaagsan tahay khilaafka. Waxaannu hubnaa inta   aynu heshiis ku nahay, ayaa ka badan inta aynu isku diidanahay. Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay inuu dhegeysto talada mucaaridka, wuxuu diyaar u yahay wixii duul-duul ah ee kaga yimaad mucaaridka, waxaannu leenahay khilaaf kasta ha lagu dhammeeyo wadahadal iyo is-qancin.”
“Hooyo waayeel ayaa soo martay saddex nin oo dhagax qoraya, waxayna ku tidhi; ‘hooyo, maxaad ka qabanaysaan? Ninkii koowaad wuxuu ugu jawaabay; ‘dee dhagax baanu jafaynaa, miyanad arkayn? Kii labaadna wuxuu yidhi; ‘waannu shaqysanaynaa oo bariiska ayaannu carruurta uga soo saaraynaa hawshan.’ Ninkii saddexaadna wuxuu yidhi; ‘hooyo, dalka ayaannu dhisaynaa oo dhagaxan waxa lagu dhisayaa jaamacad ay ka soo bixi doonaan da’yarta maanta oo ah madaxdii berri.’ Ninkaas saddexaad wuxuu aaminsanaa barnaamijka KULMIYE, wuxuuna ka mid aha taageerayaasha xisbiga,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Sidoo kale, waxa uu jawaab ka bixiyey hadal Prof. Cali Khaliif Galaydh ku weeraray qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland dhowaan,  isagoo xasuusiyey nidaamkii loo maray midninadii Somaliland iyo Soomaaliya ee sannadkii 1960-kii, “Waxa aan filayaa in Cali Khaliif goob-joog ahaa sannadkii 1961, go’ankii garyaqaan Poalo Contini, garyaqaankaas oo la-taliye sharci ahaa UNO (Qarammada Midoobay), una igmatay midaynti sharci ee labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo sidoo kale Poalo Contini ahaa guddoomiyaha guddidii  midaynta sharci ee labada dal.
Waa hubaal in Cali Khaliif hayo xeer NO 5 ee soo baxay 31 /01/1961, xeerkaas oo 4aad dhigayo in labadii dal  Somaliland iyo Soomaaliya oo  ku midoobeen magaca Somali Republic.  Oday Cali Khaliif wuxuu goob-joog ka ahaa burburkii dawladdii lagu midoobay 1991-kii, wuxuuna xogogaal u yahay in labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ku noqdeen xaaladdii ay kala ahaayeen 26/06/1960, iyadoo mid waliba dhan u dhaqaaqay, wuxuuna ka qaybgalay shirkii dhacay sannadkii 1993kii oo uu tartamayay madaxweyne-ku-xigeen.
Waxa uu Cali Khaliif hayaa Xeer NO. 20 ee soo baxay 23/08/1960, xeerkaas oo Somali Republic ku oggolaatay axdiga ururkii Midaynta Afrika, kaasoo qeexaya in dawladaha Afrika ku dhisan yihiin xuduudihii isticmaarka oo ah ka ay ku dhisn tahay Somaaliland.
Haddaba, Cali Khaliif miyaannu ahayn kii lahaa shalay Xamar ayaa la igu dilayaa ee dardaarankiisa soo mariyay warbaahinta, waxana isku kay qaban weyday Cali-yoow cabashadaadii shalay iyo halka aad caawa ka heestay.”
Md. Biixi, ayaa sidoo kale dadweynaha reer Somaliland xasuusiyey in dastuurka ku-meel-gaadhka ah ee dawladda Muqdisho uu dhigayo in Somaliland ka mid tahay dalkooda, “Nimanka Xamar lagu ilaaliyo, distoorkooda ku-meel-gaadhka ah wuxuu dhigayaa in Somaalland ka mid tahay dalkooda, waxana taas ka sii daran inay golayaasha caalamka isku tusaan inay wakiil ka yihiin innaga (Somaliland.”
Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici) oo hadal ka jeediyey dhoollatuska KULMIYE, ayaa sheegay in aanay jirin wax ka xumaanaya Somaliland xilligan, dalkuna ku dhisan yahay wada-tashi iyo is-qancin, waxaannu yidhi; “Waxaynu ku jirnaa waqti kala guur ah oo aynu joogno doorashadu way qabsoomaysaa iyo arrin farsamo ayey dib ugu dhacaysaa.
Anigu waxaan leeyahay haddii aynnu ummadda reer Somaliland nahay waxaynu halkan ku soo gaadhnay isku tashi iyo isu-tanaasul. Marna innagamay sal-guurin inay wax innaga qalloocdaan, haddii ay qalloocdaana innagumay dheeraan, maantana wax innaga xumaanayaa ma jiro.”
“Waxaan qabaa xagga xisbiyada dawladda maanta joogta ee KULMIYE ka dhisan waa dawladda ugu dhego-nugul axsaabta mucaaradka ee mar walba u diyaar ah inay la tashato oo ay ka wadahadlaan danaha innaga wada dhexeeya ee doorasho, diiwaangelin iyo arrimo walba. Waxase meesha reebban ummad islaam ah ayeynu nahay ee qaranka iyo ummadda Somaliland in loo tudho ayaa loo baahan yahay, sida la isku ribbaynayo iyo sida mucaaradka iyo inta soo raacdaa u hadlaan runtii waa mid anshaxa, islaamnimada iyo dadnimada ka baxsan,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu xisbiyada mucaaridka ah ku eedeeyey inay curyaaminayaan hawlaha qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Dhaliishu waa wax mar walba jira, laakiin waxa looga baahan yahay saaxiibbadayada na dhaliilaya inay dhaliishoodu noqoto mid toosan oo wax jira oo runta ku fadhiya. Xisbiyada mucaaradku waa garsoorayaasha ciyaarta garoonka ka socota oo kale, garsoorahana waxa looga baahan yahay in waxa uu ka garsoorayo fahamsanaado, haddii kale ciyaartu socon mayso, markaa waxaan leeyahay mucaaradka garsoorkoodii ayuu wax ka dhiman yahay oo dalkii ayey jaha-wareerinayaan, shaqadii socon lahayd ayeyna curyaaminayaan.Taas waxa ina tusaya labada xisbi mucaarad ee sharciga ah ee xaqa u leh inay na toosiyaan oo talo na siiyaan inay cid kaloon sharci ahayn daba fadhiistaan oo iskaashadaan.
Dalku saddex xisbi qaran ayuu leeyahay oo sharcigu oggolyahay, cidda aannu wax ka dhegaysanayno ee aannu la fadhiisanaynaa ama talo ka wada galayno doorasho hadday dib u dhacdo iyo hadday wax kale dhacaanba waa labada xisbi qaran iyo golayaasha qaranka.”
Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa sheegay in diwaangelinta codbixiyeyaashu tahay wax qurxiya doorashooyinka, “Diiwaangalinta codbixiyayaasha oo ah quruxda doorashada si ay u noqoto doorasho xor iyo xallaal ah oo aan dalka dhib u keenin inay dhacdo oo aan la odhan waa lagu shubtay iyo dawladda ayaa boobtay, markaa haddii taasi keentay in Komishankii innoogu xilsaarnaa inoo sheegeen in diiwaangelinta bilaabmayaan bisha July dabayaaqadeeda, annagoo (xukuumadda) dib-u-dhacyada doorashada intooda badan saarnay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbigiisa iyo xukuumadda ka dhalatay ee ka talisa dalku mar walba diyaar u ahaayeen doorashooyinka, isla markaana aanay wax masuuliyad ah ku lahayn dib-u-dhaca ku yimi waqtigii qabsoomidda doorashada oo waajibkii kaga beegnaa ay wada guteen, waxaannu halkaasi ku soo bandhigay qorshayaashii u diyaargarowgeeda ee la soo maray muddadii xukunka ay hayeen, isagoo mid mid u shaaciyey heshiisyo taxane ah oo hore u dhexmaray saddexda xisbi Qaran ee dalka kadib wadatashiyo ay yeesheen oo ay qayb ka ahaayeen Madaxweynaha iyo dalalka qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera hannaanka dimuqraadiyadda. Waxa kaloo uu masuuliyadda dib-u-dhaca doorashada u xambaariyey xisbiyada mucaaradka, isagoo sharraxay muddadii ku luntay samaynta xeerarkii doorashooyinka ee Baarlamanka iyo magacaabistii Komishaka Doorashooyinka uu tilmaamay inuu sababtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro. Soomaalidu waxay tidhaa baroortu Argiga ka wayn, waxaynu geedi-socodka dheer u soo marnay in aynu ku dhaqanno nimaadyada aynu qaadanno, markaa ragga intaas oo nidaam ah (geedi-socodkii diyaargarowga doorashada) nala galay ee nagaga baxay waa kuwa maanta leh qarankan ayeynu burburinaynaa.
 
Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay doorasho xor iyo xalaal ah, haddii berri la qabanayo inuu galo. Maadaama Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna guddoomiyaha WADDANI ay gacantiisa ku burburtay doorashadii inay dib u dhacdo xisbiga KULMIYE isagoo dastuurka Qaranka iyo shuruucda kale ee ka dheeganta ku dhaqmaya inuu taageero Komishanka Doorashooyinku xilliyada marxaladaysan ee qabsoomidda doorashooyinka ay u soo maraan, shuruucda kale ee loo maro doorashada markay marxaladdan oo kale gashana sharcigaau ka taagannahay oo waafaqsanahay,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo isna madasha hadal ka jeediyey, ayaa isagoo daba socda hadallo mucaaradku ku sheegeen in aanay xukuumadda KULMIYE dalka ka talin doonin wixii ka dambeeya dhammaadka muddo-xileedkeeda, waxa ballanqaaday in aanay jirin cid ammaanka dalka waxyeeli karta, isla markaana aanay waxba iska beddeli doonin marka la gaadho bisha 26-ka June.  “Waxaynu wadahadal la lahayn Soomaaliya, waxay wadahadalkii u soo dirsadeen dad Somaliland u dhashay si ay u duudsiyaan xuquuqda dalkani u leeyahay gooni-isu-taagiisa. Waxa kale oo aan jeclahay inaan idiin sheego inay daan fogaysan in kuwo kale oo halkan jooga oo loo soo kiraysto dibin-daabyada iyo fadqalalada dalkeena, taana indhaha ku haya oo habeen iyo maalinba ka feejignaada,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.
 
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sharci-darro ku tilmaamay baaq guddoomiyaha golahooda iyo xisbiyada mucaaradku ku soo jeediyeen in la kala diro Golaha Wakiillada iyo xukuumadda haddii doorashadu ku qabsoomiwaydo 26-ka June, isagoo xusay in lagu dhaqmayo dastuurka iyo shuruucda dalka u taal oo aanay waxba iska beddeli doonin hay’adaha dawladda haddii doorasho dhiciwaydo.
 
Md. Baashe waxa uu sheegay in xildhibaannada xisbiga KULMIYE oo ah aqlabiyadda Golaha Wakiilladu shaqayn doonaan ilaa inta doorasho la qabanayo, waxaannu yidhi, “Sharciga dalka ayaa lagu dhaqmayaa oo cid looga haybadaysanayaa ma jirto, sharci lagu kala dirayo Golaha Wakiilladu ma jiro, xisbiga KULMIYE wuxuu leeyahay aqlabiyadda xildhibaannada Wakiillada, qofkii tagaya waanu sii macasalaamaynaynaa, laakiin 55 xildhibaan ee KULMIYE ilaa doorashadu dhacayso oo mudanayaal beddelaa yimaadaan waanu fadhiyeynaa oo dalka ayaanu u shaqaynaynaa. Kuwa leh dastuurka iyo shuruucda yaan lagu dhaqmin waxay doonayaan inay fawdo dhacdo, balse dalkani sharci buu leeyahay ee fawdo ma noqonayo oo uu jirayaa, ninkii doonaya fawdo fasax baad u tahay ee Xamar tag.”
 
Waxa kale oo xafladdaasi khudbado ka jeediyey Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, siyaasiyiin ka tirsan xisbiga oo ay ka mid yihiin; Dr. Maxamed Aw Daahir, Kayse Aadan Ismaaciil iyo Xasan Gaafaadhi, kuwaas oo dhammaantood ka hadlay sida xisbigooda ay uga go’antahay ka qaybgalka doorashada oo fuliyey dhammaan wixii ku xidhnaa, iyagoo dib-u-dhaca doorashadana ku eedeeyey mucaaridka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply