Nigeria oo beenisay kooxo u dagaallama

0
383

Dowladda Nigeria ayaa beenisay in ay calooshood u shaqeystayaal lacag ku siiso si ay ula dagaallamaan Boko Haram.
Dad u dhashay dalalka Koonfura Afrika iyo Midowgii Sofiyeeti ee hore ayaa lagu arkay waqooyiga bari ee dalka.
Laakiin Afhayeenka dowladda (Mike Omeri) ayaa BBC u sheegay in dad ka yimid Koonfur Afrika iyo dalalka kale ay tababar siinayaan ciidanka Nigeria sidii ay u isticmaali lahaayeen qalab cusub.
Dayaaradaha qumaatiga u kaca iyo taangiyo ayaa dhawaan laga soo iibiyay Koonfur Afrika iyo Ruushka taasi oo qayb ka ahayd dadaalka lagula dagaallamayo kooxaha jihaad doonka ee Nigeria.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa walaac ka muujisay calooshooda u shaqeystayaasha halkaasi ka shaqeynaya, kuwaasi oo maranmarsiiyo ka dhiganaya tababar inay bixinayaan.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply