Shirkadda Google Oo Soo Saartay Hab Cusub Oo Google Dhexdiisa Wax Lagaga Iibsan Karaayo

0
378

Shirkadda Google ayaa soo saartay  hab cusub oo waxyaalaha ay soo saarto lagaga dhex iibsan karo mashiinka baadhitaanka ee Google dhexdiisa,kaas oo u fududaynaaya macmiisheeda inay iibsadaan waxyaalo badan oo ay u baahan yihiin.
Shirkaddo badan ayaa iyaguna codsaday in lagu daro qaybtaasi iibka iyada oo la balaadhinaayo laguna daraayo waxyaalaha kale ee ay shirkaddaha kale soo saaraan,gaar ahaana Giant Company ayaa dalabkan soo dhiibatay,waxa iyaguna sidoo kale soo codsaday shirkaddaha Smartphone  iyo kuwo kale oo sheegay inay doonayan inay halkaasi ku dhex iibiyaan mobiles-kooda iyo computers-koodaba.
Masuuliyiinta shirkadda Google ayaa sheegay inay doonayaan inay ku daraan qaybo cusub oo shirkaddo badani ay wax ku iibin karaan,waxaanay u bixiyeen qaybtan cusub Google Store,waxaanay intaas ku dareen inay doonayaan inay kala saaraan shirkaddaha una kala sameeyaan Serial Numbers.
Macaamiil badan ayaa aad u soo dhoweeyey adeegan cusub,kuwaas oo ku tilmaamay mid u fududaynaaya wax iibsiga,gaar ahaana kuwa meelaha fog fog ku sugan.
 
 

Leave a Reply