Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo La Kulmay Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka UK

0
392

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Xidhiiidhka Golayaasha iyo tignoolajiyada   Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil oo  mudooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Magaaladda  London ee dalka Ingiriiska,  ayaa  kulan  la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Baarlamaanka UK oo uu hor ka cayay ruug-cadaaga Weyn ee Sir Tony Baldry. Sidaana waxa sheegay safiirka wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed.
 
Kulankaas uu Wasiirku la yeeshay  xildhibaanadaas,  waxa si qoto dheer loogaga wada hadlay xidhiidhka soo jireenka ah  ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska.
 
Wasiir . Cali Xaamud, waxa uu Mudaneyaasha  uga waramay  marxaladihii ay Somaliland soo martay iyo halka ay maanta marayso.
 
Wasiirku waxa uu mudaneyaashaas u soo bandhigay waxa ay Somaliland qabsatay iyo taageerada ay uga baahan tahay beesha caalamka, taas oo ay ugu weyn tahay in ay hesho aqoonsi caalami ah, maadaama oo uu sida uu sheegay ay buuxisay shuruudihii qaran madax-banaan looga baahnaa oo dhan.
 
 
Wasiirka Xidhiiidhka Golayaashu, waxa kulankaas uu la qaatay xildhibaanadaa ka tirsan UK ku wehelinaayay Safiir ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee  UK Danjire Daahir Tukaale iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Dalka UK
Xariir Xirsi.
 
Kulankan oo qaatay muddo saacad ah ayaa waxa uu ku soo dhammaaday is af garad, xidhibaanaduna waxay sheegeen inay dhankooda dedaal weyn u geli doonaan sidii ay gacan buuxda uga gaysn lahaayeen taageerada aqoonsiga Somalilland.
By: Jamaal C/Raxmaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply