Xisbiga WADDANI Oo Shir Siyaasadeed uu Ku Qabanayo Hargeysa Ku Mijo-xaabinaya Dalladda SONYO

0
440

Hargeysa (Dawan)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa isku dubo-riday  dabinno uu u maleegayo inuu ku burburiyo dallada ay ku bahoobeen dhalinyarrada Somaliland ee SONYO, oo sida la sheegay ka bad-baaday shirqoolo xisbigaasi isku dayay bilihii la soo dhaafay oo uu doonayay inuu laba garab u kala jabiyo daladaas.
Xisbiga WADDANI waxa uu magaaladda Hargeysa ku qabanayaa Isniinta todobaadkan  shir loogu magac-daray shirweynaha dhalinyarrada heer qaran ee xisbigaas, taasi oo la sheegay inuu hor-dhac u yahay isku day xisbigu ku doonayo inuu danihiisa uga faa’iidaysto dhalinyarrada dalka, isla markaana uu ku furfuro wada jirka dhalinyarrada ku bahoobay dallada SONYO oo ah Hay’adda sharciyan matali karta da’yarta dalka oo ah mid ka madax-banaan siyaasadda.
 
Inkasta oo xisbiga WADDANI Shirkan uu qabanayo ay ku sheegeen inuu yahay kii garabka dhalinyarrada ee xisbigooda, haddana waxa soo baxay dareenno ka dhashay qabashada shirkan oo xataa dalladda SONYO u aragtay mid kaalintoodii lagu inqilaabayo, iyadoo horena xisbigaasi ku lug yeeshay khilaafkii soo kala dhex galay SONYO oo ay ka soo horjeedeen Guddoomiyaha cusub ee dalladaas Md. Siyaad Cumar Cali oo ka soo jeeda gobolka Awdal, xiligii lagu jiray shirweynihii 7-aad ee dalladaasi.
Illo looga qaateen ah ayaa sheegaya in xisbiga WADDANI uu u arko in  dhalinyarradu tahay cida kaliya ee ay ku fushan karaan danahooda siyaasadeed  isla markaana ay ka dhigan karaan  da’yarta qumbulad ay ku handadaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,  xiliga lagu jiro marxaladda kala guurka ah haddii doorashooyinka madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladdu dib u dhacaan, waxaanay qorshahan ku bixinayaan dhaqaale badan.
 
Dalladda SONYO ayaa  warar aan la xaqiijini sheegeen in ay waraaq ay u direen xisbiga WADDANI ay ugu baaqeen in ay ka gaabsadaan inay qabtaan shir lagu suurayn karo inay magaca dhallinyarrada Somaliland dusha ku xambaartaan.
 
Saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa shalay sheegay inay Hargeysa ku soo dhaweeyeen ergooyin ka socday degmooyinka Dhahar iyo Buuhoodle.”Waxaanu halkan si sharafleh oo diiran ugu soo dhawaynaynaa gudiga heer qaran ee dhalinyarrada ee ka soo qayb galay shirweynaha dhalinyarrada heer qaran ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, nasiib wanaag waa ergadii ugu horeysay ee soo timaada caasimada dalka, waanu ku soo dhawaynaynaa, waxaana aanu leenahay ku soo dhawaada caasimada Hargeysa, waa ergo khayr qabta la kowsatay xili wanaagsan, marxalad wanaagsan sida aad wada ogsoon tihiina waa markii ugu horeysay ee Jamhuuriyada Somaliland la marti qaado dhalinyaro loo qabto shir heer qaran ah oo kan oo kale ah, waa markii ugu horeysay ee boqolkiiba sodan haweenka la siiyo ama hablaha la siiyo, waa markii ugu horeysay ee dhalinyaradu ay tixgalinta inta leeg ay ka helaan xisbiyada qaranka. markaa waxaanu leenay soo dhawaada, guddoomiye adiga iyo ergadaaduba ku soo dhawaada Hargeysa,”ayuu yidhi Xoghayaha xidhiidhka gobalada xisbiga Waddani  Cabdilaahi Axmed Maxamed.
Waxa hore u  jiray in WADDANI dedaal iyo duunyaba  ku bixiyay abaabulka shir dhalinyarradu yeelato oo lagu qabto degmadda Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex, kaasi oo xisbigu ku hungoobay dabo-yaaqadii kal-hore,  markii dhalinyarradu dhabarka u soo jeedisay una aragtay kulan siyaasadeed magacooda lagu shaqeysanayo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply