Afghanistan oo Dishay Taliye ka Tirsan Daacish

0
324

Ciidamada Afghanistan ayaa sheegaya in ay Daacish ka dileen taliyihii labaad oo ku sugan Afghanistan. Taliyahaasi la dilay oo la odhon jiray Hafiz Wahidi ayaa xilka kala wareegay Mullah Raouf oo la dilay bishii hore.
Labaduba waxay horay taliyayaal uga ahayeen ururka Taalibaan. Daacish ayaa ku dadaalaysay in ay tababarto dagaalyahanada reer Afghanistan.
Afhayeen u hadlay wasaarada gaashaandhiga ayaa sheegay in Taliyaha Hafiz Wahidi lala dilay sagaal dagaalyahan oo kale, waxaana lagu dilay waqooyiga gobolka Helmand.
Ciidamada Afghanistan ayaa mudo todobaadyo ah waxay ku guda jiraan hawlagalo balaadhan oo ay kula dagaalamayaan kooxaha kacdoonka wada.
 

Leave a Reply