Dhalinyaro British ah oo lagu Qabtay Turkiga

0
351

Seddax dhalinyaro oo u dhashay Britain oo lagu tuhunsanyahay in ay doonayeen in ay Daacish ku biiraan ayaa lagu qabtay dalka Turkiga, sida uu sheegay boliiska Britain.
Waxa ay kala yihiin laba wiil oo 17 sana jir ah oo ka tagay galbeedka London iyo nin 19 sana jir ah, waxaana lagu qabtay magaalada Istanbul.
Waxaa la sheegay in la waayay maalintii Jimcaha, qabashadoodana waxa ay timid kadib markii boliiska UK uu ka dalbaday dhigiisa Turkiga.
Qoysaskooda ayaa arrintani lagu wargaliyay.
Seddax gabdhood oo u dhashay Britain oo dhamaantood ka tagay London ayaa bishii hore u gudbay Suuriya iyagoo sii amray Turkiga si ay Daacish ugu biiraan.
Saraakiisha Turkiga waxa ay sheegen in aan macluumaad ku filan la siin markii gabdhahaasi la waayay bishii hore.
 

Leave a Reply