“Lacagtii maalmahan way kacsan tahay ee innaga deji, oo siyaasadda deji, oo xataa Shiidaalka Deji” Wasiirka Boosaha

0
363

Hargaysa (Dawan): Munaasibad kasta oo la qabtaaba  ujeedadeeda ayay leedahay, hase yeeshee Sida inta badan dhacda hadallo ayay ka   jeediyaan madaxda kala duwan ee madashaasi fadhiyaa, mas’uuliyiinta qaarkood waxay hadalkooda ku ekeyaan ama ku sargooyaan macnaha u jeedadda dhabta ah ee madashaasi,  kuwo kalena inta ay mawduuca ka baxaan ayay meelo kale isku qaadaan,   halka qaarkoodna si xirfad leh xikaayaad iyo qisas   duur-xul ah ay  u jeediyaan dhegaysteyaashooda goobta.
Waxay ahayd  munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda dib-u-dejinta  iyo wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi oo shalay ka qabsoontay xarunta wasaaradda dib-u-dejinta ee magaaladda Hargeysa.
Waxaa madashaasi fadhiyay dadweyne kala duwan oo isugu jiray Wasiirro, Wasiir ku xigeeno, agaasimeyaal  guud, xildhibaano, mas’uuliyiin ka socday ururada bulshada iyo marti sharaf kale oo haween u badnaa.
 
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, waxa uu ka mid ahaa masuuliyiintii madashaasi ka hadlay, waxaanu  ka jeediyay hadal dhinacyo badan taabanayay, isla markaana xambaarsanaa ujeedooyin kala duwan, kaasi oo marka dhinaca laga eego qayb ka mid ahayd ay khusaysay munaasibadaasi, dardaaran iyo duur-xul uu kula hadlayay labadda Wasiir ee xilalka la kala wareegayay.
Hadalka wasiirka oo qaybo kala duwan lahaa, waxa   ka muuqatay kafdan, hogotusaalayn iyo aftan-nimo, ayaa  dadkii madasha fadhiyay markii Wasiirku waxyaabahaasi ka hadlayay waxay dhamaantoodba qosol iyo sacab iyo isku dareen.  Waxaana  ku jirtay qayb siyaasad ah oo uu mcaaradka kula hadlayay iyo arrimo kale.
 
Waxa kale oo uu ka hadlay sida ay bulshadu  u kala qiimeeyaan wasaaradaha qaranka wuxuu erayo kafdan iyo duur-xul ah mid gaarkiisa ugu jeediyay labada wasiir ee xilalka la kala wareegayay, isagoo mid walba wasaradiisa iyo waxa ay shaqadeedu tahay ugu soo hal-qabsaday.
 
 
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa ugu horayn waxa uu  si duur-xul ah uga hadlay   ciyaaraha kubbadda cagta, isagoo xusay in uu isagu shaqsiyan ciyaaraha xiiseeyo. Waxaanu yidhi   “Ciyaaraha dadka aadka u daawada ayaan ka mid ahay, anigu  ma ciyaarro.  laakiin aad ayaan u daawadaa, markaa waan ku faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo xil wareejinta Wasiirka  Ciyaaraha iyo Wasiirka Dib-u-dejinta, xalay baa, mise habeen hore ayay  ahayd   ayaa la iga badiyay ciyaartii u danbaysay,  kumana faraxsani oo Chelsea ayaa ka hadhay Champion League, halkaa waa la igaga  badiyay runtii.  ciyaarahaana aad ayaan u ixtiraamaa, waanan daawadaa, laakiin taasi macnaheedu ma aha in aan doonayo in Wasaaradda Ciyaaraha la ii soo bedelo, bal se waan  jecelahay in aan daawado ciyaaraha”.
Sidoo kale wasiir Abgaal, waxa uu tafaasiil ka bixiyay  hadal-haynta bulshadda dhexdeeda inta badan laga maqlo ee ah in marka wasiir wasaarad loo magacaabo in dadku ay yidhaahdaan wasaarad  muhiim ah ayaa loo dhiibay ama tii markii hore uu joogay ayaa ka fiicnayd iyo waxyaabo  kale.
“Wasaaradaha Dawladu A, B, C iyo D iyo W, magacyadda noocan ah adduunkuba wuu u yaqaanaa, inaguna waynu kaga dayanay  uun, laakiin waxaan aad u ixtiraamayaa oo jirta Wasaaradu qofka xilka loo dhiibo ayay ku xidhan tahay, in ay noqoto ama A+ iyo meel ka sii saraysa waxay ku xidhan  tahay marba mas’uulka xilka loo dhiibo.  sidaas darteed, wasaarad ayuun baynu wareejinaynaa, ee waa Wasaarad C ah iyo waa Wasaarad D ah, arrinkeedii inooma yaallo, ee waxaynu xil u kala wareejinaynaa laba mas’uul qaran”.
 
isagoo la dardaarmayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ciyaaraha, waxa uu yidhi “Axmed Cabdi Kaahin, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ciyaaraha waan sii sagootinayaa, waxcaan rejaynaynayaa in uu dulqaad badan iyo karti badan  halkaa la tago, dhallinyarro firfircoon, oo umadda dalka 70% ka ah ayaa xilkooda laguu dhiibay.  dee inagu waynu qayilnaaye bahalkaana waad yarayni oo, si  aad uga warhaysto, isaga sidaas ayaan ku sii sagootiyayaa”.
 
Dhinaca  kale Maxamed Jaamac Abgaal, waxa uu dardaaran iyo soo dhaweyn hogotusaalayn ah ujeediyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda dib-u-dejinta, waxaanu yidhi “Cali-na waxaan leeyahay, waar dib-u-dejinta malaha raggii hore ayaa dadkii soo dejiyay’e, xaalado kale oo badan, oo malaha in la dejiyo u baahan ayaa jirra.  ku darso lacagtii maalmahan way kacsan tahay, ee inaga deji Cali-yoow. Sarifku woxoogaa wuu kacsan yahaye, qabso Wasaaradda oo  dee inaga deji,  oo siyaasadda deji, oo xaataa shiidaalka deji.  mucaaridkana qabliga u deji, oo doorashadda waa tii la mudeeyaye,  dalka iyo dadkaba wada deji, waananu ku soo dhawaynaynaa”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply