Guddoomiye Cirro Oo Baaq Ammaan Iyo Dar-daar werin ah Isku Barkiyay Komishanka Doorashooyinka Oo Uu Xil-gudashadooda Saluugay

0
332

Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ammaan Iyo naqdi iskugu daray Komishanka doorashooyinka Qaranka. waxaanuku dhawaaqay kalmado u dhadhamaya inuu u yeedhinayo masuuliyadda Guddidaas madaxa-banaani ay dalka u hayaan.
Guddoomiye Cirro waxa uu sidaasi ku sheegay shir  uu shalay ka furay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa oo la tilmaamay shirweynaha heer qaran ee garabka dhalinyarrada xisbiga WADDANI, Waxaanu dhalinyarrada ku beer-laxowsaday inuu ka hor qaadi doono dabarkii ka hor taagnaa da’yarta inay ka qeyb-galaan Goleyaasha hoggaaminta  arrintaasi oo ah mid ka mid ah wax-qabadka la taaban karo ee madaxweyne Siilaanyo EEBE ku ilhaamiyay, isagoo si rasmi ah dhabada ugu xaadhay in dhalinyarradu ay ka qeybgeli karaan siyaasadda, waxaanu  hoos u dhigay da’da lagu geli karo goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda oo uu ka shaqeeyay inay isu soo taagi karaan muwaadin kasta oo gaadhay da’da  25 jir, halkii markii hore ay ka ahayd 35 jir. Tallaabadaasi oo dhalinyarradu ay mahadisay isla markaana madaxweynaha ugu hayso magac iyo abaal-ba.
 
C/Raxmaan Cirro oo  u duur-xulayay Komishanka doorashooyinka oo uu dhaliilayay, marna amaanayo waxa uu yidhi   “Jid-walkii uu Soo saaray Komishanka Doorashooyinka Q aranka Waxa uu ahaa Kii Loo Baahnaa oo yimi Waqtigii loo baahnaa. Komishanku wuu dedaalay Marka La Eego Cimrigiisa. Waxay Maanta u baxeen Soo dhisidda Komishanka Gobolada Iyo Degmooyinka. waxaan Ilaahay uga Baryeynaa Inuu Hawshaas  u  Fududeeyo. Waxaan ka Rajeynaynaa Inay Soo Dhisaan Siidhi Walaayaal Tartamayaasha Si Caddaalad ah ugu Garsooora. Komishanka Doorashooyinka Qaranku maaha Komishanka Diiwaagelinta Qaranka. Waxaan ka sugaynay Inay Cayimaan maalinta Doorashada. Maalintaas Cayimaadeeda Waxaan  uga sugaynaa sida ugu dhakhsaha badan. Waanu Ku Adag nahay , Waanu Ku Adag nahay In Komishanku Maalintaas Cayimo.
Bulshada Caalamka oo Saaxiibka la ah shacbiga Somaliland ee innaga Taageerada gedi –socodka  Dimquraadiyada, dhawaaqaas way Sugaayaan, Si Weyn bay u sugayaan. Cayimidda Maalintaas Waa Waajib Sharciya Oo saaran Komishanka.
 
– Komishanku Waa Inuu soo saaraa Jidwal dhamaystiran oo DoorashoUna Gudbiyaa Madaxweynaha JSL.
– Madaxweynuhu Wuu Inuu Jawalkaas Ku Soo Saara Dikreeto Madaxweyne Mudada Sharcigu Siiyey Inuu Ku Soo Saaro Oo Aan Ka Badnayn 15 Maalmood. Mowqifka Xisbiga WADDANI waxa uu La mid yahay Mowqifka. ISBAYHAYSIGA MUCAARIDKA Oo Ah Haddii Doorooshinykii Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada JSL Ku Qabsoomi Waayaan waqtigooda, in sida ugu dhakhsaha badan la Isugu yimaado Tallo Qaran.”
Guddoomiyaha WADDANI waxa uu dhalinyarrada  u balan-qaaday qoddob Madaxweyne Siilaanyo  hortii ka bogsiiyay dhibtii ka haysatay dhalinyarrada ka qeyb –galka goleyaasha wadanka, waxaanu yidhi “ “Xagga sharciga Iyo da’da: waxa Xisbiga WADDANI siyaasaddiisu u Adeegaysaa In Dhaliyarada Somaliland Laga hor-qaado Caqabado sharci ee ka hor-taaggan In ay Hoggaamainta dalka ka qayb-galaan.  In dabarka Laga furo sidii Ay si Buuxda Looga Faa’iidaysan lahaa Xooggooda iyo Maskaxdooda oo ay Kaalin mug Lehna uga qaataan horumraka dalka iyo Bulshadaba. Waxaa  Xisbiga WADDANI ugu Yaraan 30% Siinayaa Hablaha Fursadaha Shaqo Iyo Hoggamintaba.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply