Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Dhagax-dhigay Dhisme Casri ah oo Loo Binaynayo Wasaaradda Tamarta

0
374

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweyne xigeenka Somaliland iyo Madaxda wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa shalay  dhagax dhigay dhisme Casri ah oo loo dhisi doono Wasaaraddaasi.
Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, oo ay goob joog ka ahaayeen Masuuliyiinta Wasaaradda,Madaxweyne xigeenka, Shirkadda ku guulaystay dhismaha oo Najax Construction, la yidhaahdo ayaa lagu dhagax dhigay daarta cusub ee Wasaaradda oo qaab dhismeed casri ah leh. Dhaqaalaha lagu dhisayo Wasaaradda waxaa bixiyay Shirkaddaha Shidaal baadhista ka wada Somaliland.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa madasha dhagax dhiga hadal ka jeediyay waxaanu ka xog waramay dedaalka ay u mareen sidii loo heli lahaa Lacagta lagu dhisayo Dhismaha wasaaradda, isagoo sheegay inay muddo ku dedaalayeen sidii Shirkadduhu u bixin lahaayeen Lacagta lagu dhisayo xarunta wasaaradda.
“Farxad weyn ayey u tahay wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland oo muddo dheer sugaysay inay hesho maal gashi ay ku dhisto  dhisme muuqaal leh, inay maanta fursadii aanu ku bilaabi lahayn dhismaha wasaaraduna xiligan timid, dedaal badan ayaanu galinay inaanu helno maal-gashi lagu dhiso xarunta wasaarada annaga oo u tudhayna miisaaniyadeenna yar  inkasta oo wasaarado badan laga dhiso, markaa waxaanu is nidhi maal gashi aan u  doono dhismaha xaruntan wasaaradan markaas codsiyo badan ka dib waxa noo aqbalay shirkadaha aanu wada shaqaynta leenahay ee shiidal baadhista u jooga heshiiskana nagula jooga, aadna waan uga mahad celinayaa inay aqbaleen codsigayagii ahaa inay noo maal galiyaan dhismaha cusub ee wasaarada,” Ayuu yidhi Wasiirku
Wasiirka Macdanta iyo tamarta ayaa sheegay in Dhismaha wasaaradda lagu bixiyay qandaraas hanaan xalaal ah loogu guulaystay  “Guryaha halkan laga dumiyey gumaysigii ayaa ka tagay, maantana waxaanu dhisi doonaa wasaarad muuqaal leh oo laga dheehan karo dhismaheeda iyo maamulkeedaba annaga oo tix gelinayna inaanu ka soo horjeedno guriga madaxtooyada, waxaanu aad iskugu taxaluujinay inaanu dhisno wax naf leh.”
 
“Markii lacagta noo soo xarootay ee shirkadaha shiidaalku naga aqbaleen  dhaqaalihii ku baxayey mashruuca dhismaha  waxaanu u gudbinay guddida qandaraasyada qaranka shaqo aanu ku lahayna ma jirto,  waxaanan ku idhi waa in mashruucaas lagu bixiyo nidaam saxsan oo furan, markaas wuxuu maray  hab caalami ah aniga oo uga mahad celinaya gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka inaanu wax is qab qabsi ahi ka iman cidii ku guulaysatay,” Ayuu yidhi Wasiirku.
 
“ Nashqadii  caalamiga ahayd ee aanu ku salaynay in lagu dhiso wasaaradan oo ay noo samaysay shirkad la yidhaahdo Rio Architect  khaasatan ninka dhigay naqshada cusub ee wasaarada Maxamed Bashiir aad ayaan ugu mahad celinayaa , waana nashqad heer caalami ah ayaa wasaarada lagu dhisayaa, shirkadaasina hawlo badan ayey hada ka wadaa magaalada waanan u mahad celinayaa.” Ayuu wasiirku sheegay
Madaxweyne Xigeenka Somaliland  Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa isna madashaasi hadal ka jeediyay, isagoo muhiim ku tilmaamay in la helo xarun waafi ah oo wasaaraddu ku shaqayso “Maanta farxad weyn ayey noo tahay inaanu dhagax dhigno xaruntii wasaaradda macdanta iyo tamarta annaga oo uga mahad naqayna ka qayb galka ay ka qayb galeen shirkadaha sahanka ugu jira baadhista shiidaalka iyo gaasta somaliland oo aanu heshiisyo kula jirno.”
Madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu intaasi raaciyay “ Waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa wasiirka wasaarada iyo shaqaalihiisa oo mudo dheer hawshan ku jiray  sameeyeyna soo jiidashada in dalkan la maal gashado, kuna dhiiri geliyey shirkadaha kala duwan inay maal gashadaan somaliland oo ay ka baadhaan shiidaalka iyo gaasta, hawl adagna ka soo qabtay wasaaradan mudadii  shanta sanadood ahayd ee aanu xilka haynay, waxa kale oo aan ugu mahad naqayaa guddida qandaraasyada qaranka  oo oo nidaamkii loo baahna marisay mashruucan maadaama loo baahan yahay mar walba in la sameeyo nidaam saxsan si uu u soo baxo qofkii loo baahnaa meeshana uga baxdo mad madawga aynu isku canaano.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply