Mareykanka oo ka Digay Weerarro ka Dhaca Sacuudiga

0
365

Safaaradda Mareykanka ee ku taalla dalka Sacuudi Carabiya, ayaa laba cisho  joojisay adeegyada qunsuliyadeed ee ay bixiso, kaddib markii ay soo korortay xaalad ammaan.
War qoraal ah oo la soo dhigay barta safaaradda, ayaa lagu sheegay in labadaasi maalmood aanay jiri doonin wax adeeg qunsuliyadeed ah oo ay ka sameyneyso magaalooyinka Riyaadh, Jiddah iyo Dhahran.
Safaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ah in ay xadidaan socodkooda aan muhiimka ahayn ee gudaha Sacuudi Carabiya, ayna feejignaadaan marka ay socdaan.
Waxa ay sidoo kale ugu baaqday in  aanay isku muujin goobaha ay dadka ku badan yihiin.
Safaaradda ayaa sidoo kale muwaadhiniinta Mareykanka ugu baaqday in ay asxaabtooda iyo deriskooda la socodsiiyaan halka ay u socdaan marka ay baxayaan.
Sabtidii , safaaradda ayaa ka digtay in weerarro lala beegsan doono shaqaalaha reer galbeedka ah ee ka shaqeeya gobolka bari ee shidaalka qaniga ku ah.
Dhacdadii ugu dambeysay ee ay muwaadhiniin Mareykan ah wax ku noqdaan gudaha Sacuudiga, ayaa dhacday bishii October ee la soo dhaafay, xilligaasi oo nin haysta dhalashooyinka Sacuudiga iyo Mareykanka uu dilay shaqaale Mareykanka ah, isaga oo dhaawacay mid kale.
Ninka falkaasi geystay ayaa la sheegay in uu cadhooday kaddib markii laga qaaday qandaraas uu ka haystay wasaaradda difaaca ee Mareykanka, kaasoo uu ka fulinayay caasimada Riyaadh.
 
 

Leave a Reply