Burburinta Qabrigii Saddam Xuseen

0
354

Ciidammada Ciraaq iyo maleeshiyaadka ka garab dagaallamaya ee ku wajahan magaalada Tikrit, ayaa sheegaya in qabiriga hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, Saddaam Xuseen, gebi ahaanba la burburiyay.
Muuqaal ay duubeen kaamireystayaal ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press (AP), oo la socda ciidammada Ciraaq, ayaa muujinaya dhismaha qabriga oo uu ka hadhay tiirar keliya, kaasi oo ku yaalla tuulada Al-Awja.
Wariyaha BBC-da ee Ciraaq ayaa sheegaya in dadka Sunniyinta ah ay ka shaki qabaan in dagaalyahanada Shiicada ah ay si ulakac ah ah u burburiyeen dhismaha Qabriga.
Sanadkii hore ayaa Kooxo Suniyiin ah ee deegaanka waxay shaaca ka qaadeen in Meydka Saddaam Xuseen ay ka saareen qabriga, iyagoo geeyay goob aanay shaacinin.
 
 
 
 
 

Leave a Reply