Kurdiyiinta Ciraaq oo ka Cabsi qabo Shiicada

0
540

Sarkaal sare oo ka tirsan xooggaga Kurdiyiinta ee ku sugan Waqooyiga Ciraaq, ayaa ka digay in maleeshiyaadka Shiicada ah ee qaybta ka ah duulaanka Daacish lagu qabsanayo magaalada Tikrit.
Waxaa uu sheegay in arrintaasi ay keeni karaan khatar ka darran tan hadda jirta iyagoo Shiicadu ay Suniyiinta ku gumaadaan meelaha ay qabsadaan.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo, Masrour Barzani, ayaa BBC-da u sheegay in maleeshiyaadkaasi ay uga sii dari karaan xiisadda hadda ka dhex taagan Suniyiinta iyo Shiicada Ciraaq, taasi oo keenaysa inuu  dagaal weyn oo dhex mara Suniga iyo Shiicadu uu ka dilaaco dalkaasi,
Ururka Daacish ayaa ka taliya dhul ballaadhan oo ay deggan yihiin Sunniyiinta Ciraaq, iyadoo maleeshiyaadka Shiicada ay haatan qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah ururkaasi Wakhtigan waxa jira suniyiin badan oo aan fikrad ahaan taageersanayn Daacish, laakiin marka la eego qaabka ay dagaalka u wadaan Shiicada ayaa keenaysa in dagaal weji kale lihi oo ka bilwado Ciraaq. Dagaalkan oo midayn doona suniyiinta Ciraaq oo ay ka mid yihiin Kurdiyiintu.
 
 
 

Leave a Reply