Ra’iisulwasaaraha Israa'iil oo u Ordaya inuu markii Afraad Talada Qabto

0
324

Dadka Israa’iil ayaa  shalay Salaasadii u dareeray  si ay codkooda  u dhiibtaan doorashada baarlamaanka, iyada oo uu  Rai’sal wasaare Benjamin Netanyahu, uu  doonayo  in uu noqdo masuulkii wakhtiga ugu dheer talada hayay.
Malaayiin  Israeliyiin ah ayaa ka codeynaya doorashadan oo lagu wado in ay tahay tartankii isugu dhawaa ee xisbiga   Benjamin Netanyahu iyo isbaheysiga bidix dhexe.
Isbahaysiga midowga bidix dhexe ee zahyuuniyiinta ayaa ballanqaadaya in ay dib u hagaajinayaan xidhiidhka Falastiiniyiinta iyo beesha caalamka.
Haseyeeshee Raisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa isagu  sheegay in inta uu xilka hayo aaney  dal yeelan doonin Falastiin, hadalkaas oo uu ku soo beegay doorashada guud.
Waxa uuna isku dayayaa in uu kor u qaado taageerada xisbigiisa Likud, kaas oo ka dambeeya ama ka hooseeya xisbiga isbahaysiga bidix dhexe sida ay muujinayso ra’yi uruurintii u dambaysay ee la sameeyay.
 

Leave a Reply