Faa’iidooyinka Aqoonta Iyo Muhiimada Ay U Leedahay Dhalinyarrada

0
4052

Qormadeenan (BAR-BAAR) ee wargeyska Dawan todobaadkan qodobka ugu horeeya waxaynu ku soo qaadan doonaa qiimaha waxbarashadu u leedahay buud ahaan bulshada gaar ahaan dhalinyarada. Waxbarashada: Waxbarashadu waa furaha Nolosha,Waxa jira erayo suugaaneed oo lagu cabiro qiimaha waxbarashada waxaana ka mida heesta uu qaado fanaankii waynaa alle ha u naxariistee Maxamed Mooge Liibaan ee tidhaa “Aqoon la’aan waa iftiin la’aan waa aqal iyo ileys la’aan”
Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah, sidoo kale waxaan ognahay in dunidu maanta ay u qaybsan tahay  labo qaybood, kuwaas oo waxkasta ku kala duwan. Labadaas qaybood waxay kala yihiin oo lagu kala tilmaamaa dunida horumartay iyo dunida danbaysa.
Xaqiiqda dhabta ah ee dunida kala qaybisay ayaa ah xagga aqoonta iyo waxbarashada oo wadanba wadanka kale kaga duwan yahay, wadama aadka looga qadariyo xagga waxbarashadu waxay gaadheen horumar la taaban karo, halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u dambeeya oo aan horumar ka samayn dhinacyo badan oo nolosha aadamaha ah.
Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku horumarikaraan waxayna laga maar maan ay u tahay nolosha binu’aadamka, Ilahayna waxa uu qur’aankiisa ku yidhi “Marna ma sina qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn.”
Hadii aynu dhinac kale ka eegno waxbarashadu waa shay aan looga maarmi Karin xagga nolosha, qofka waxbarta waxaad ka dariimi karta in aad uga muuq iyo macnoba duwan yahay ka aan waxba baran.
 
Waxaad ka dareemi kartaa xaalada miyiga dadka kunool waxaa waalidka  caruurtiisa uu baraa ugu yaran sida wax loo tacbado ama xoolaha loo raaco, maxaa yeelay waxay cadaynaysaa qiimaha ay leedahay waxbarashadu nooc kasta oo ay tahay.
 
Qofka dhalinyarada ah wuxuu nolol sharaf leh oo farxad ay ku dheehan tahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo, faa’iidada ay waxbarashadu u leedahay qofka dhalinyarada ah  ma aha mid lagu soo koobi karo qormo iyo laba toona, sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa si ay dhalinyaradu ay ufahmaan qiimaha ay leedahay aqoonta waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay  horumar dhinac maskaxda ah oo ah  runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo.
 
Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir lahayn jaahilnimada ama aqoondaridu waxay bur-burisaa guri sharaf iyo barwaaqo ay ku nool yihiin dadkiisa.
Ugu danbeentii aqoontu waa iftiin ama nuur jahligu waa mugdi, sidaa darteed aynu ku dadaalno in aynu kor u qaadno heerkeena waxbarasho si aynu u gaadho horumar adduun iyo mid aakhiroba.
 

Leave a Reply