Hoggaamiyaha Ikhwaanka Masar oo lagu Xukumay Dil

0
330

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa dil ku xukuntay hoggaamiyaha ugu sareeya ururka Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Badiic.
Hogaamiyaha ayaa lala xukumay 13 xubnood oo kale oo iyaguna ka tirsan ururkaasi.
Ikhwaanul Muslimiinka ayaa Masar laga mamnuucay kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamad Mursi.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Badiic iyo taageerayaashiisa lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen weerar ka dhan dowladda.
Arrintan ayaa haatan loo gudbiyay muftiga dalkaasi, oo go’aan ka soo saari doono.
Maxkamad kale ayaa horey dil ugu xukuntay Badiic, balse waxaa mar dambe loo baddalay xabsi daa’im.

Leave a Reply