Haweenay 100 sano jir ah ayaa laga sii daayay xabsi ku yaal dalka Kiiniya kadib markii si heer qaran ah loogu ololeeyay sii deynteeda.
Haweenayda duqda ah oo la yidhaa Margaret Ngima ayaa jeelka loo diray wiigii hore markii ay ka dheg adeygtay maxkamadi, islamarkaana bixin weyday ganaax ahaa 100,000 Kenyan shillings (£780; $1,000).
Ayeeyadan macooyada ah ayaa lagu eedeeyay in ay iska diiday amr maxkamadeed oo la xidhiidha muran dhul oo u dhexeeyay qoys kale.
Kiiskeeda oo cadho ka dhaliyay Kenya, ayaa waxa aakhirkii bixiyay lacagtii ganaaxa senator Mike Sonko oo laga soo doorto Neyroobi. Bixinta ganaaxa ayaa ka badbaadisay xadhig saddex bilood ah oo loo jarey, waana la sii daayay.