Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeedyay Geerida Marxuum- Cabdi kayd Cabdilaahi Oo Geeriyooday

0
618

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum- Cabdikayd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.
 
Sidaasanwaxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u qornaa sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Cabdikayd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo ku geeriyooday Hargeysa 20/03/2015, kana mid ahaa odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kaleba ka mid ahaa ganasatada dalka ugu taariikhda weyn oo uu illaa hada ka mid ahaa marxuumku.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir ka baxay dalka taariikh ma guurta ahna ku lahaa halgamadii kala duwanaa iyo marxaladihii  uu dalku soo maray oo uu door muhiima ku lahaa wakhtiyadaa.
 
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply