Diyaarad Burburtay oo aan Cidi ka Badbaadin

0
396

Diyaarad nooca airbus-ka ah, oo ay saarnaayeen  boqol iyo konton  qof ayaa ku burburtay buuraha Alps ee Faransiiska, waxaana la sheegayaa in aaney jirin cid ka badbaadey..
Diyaaradda ayaa waxaa adeegsanayay shirkadda Jarmalka ah ee Germanwings, oo ka hoos shaqaysa shirkadda diyaaradaha Lufthansa.
Waxay ka soo duushay Barcelona oo ay ku sii jeeday Duesseldorf, waxaa la sheegay in ay dirtay qaylo dhaan ka hor intii aysan dhicin.
Waxaa dadka ku haligmey ka mid ahaa 16 ciyaala iskuula oo ka soo laabnayay safar isweydaarsi ahaa.
Dayaarada oo raqamkeedu ahaa  A320 – duulimaad 4U 9525  ayaan la ogeyn sababta burburkeeda , haseyeeshee waxaa la helay sanduuqii madoobaa ee dayaarada.
Madaxwaynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay in ay yar tahay rajada lagu heli karo dad badbaaday.

Leave a Reply