Boorama: Dadweynaha Oo Suldaan Wabar Ku Tilmaamay Nin Dan-laawe Ah Cidna Aan Duufsan Karin

0
395

Boorame(Dawan): qaybaha   kala duwan ee bulshadda ku dhaqan  magaalada Boorame, ayaa dareen isku mid ah kaga jawaabay Suldaanka buuraha galay ee ka fallaagoobay Somaliland,  kaasi oo ay  ku sifeeyeen nin dan-laawe ah oo doonaya inuu dhiiga dhalinyarada reer Awdal meel ku gaadho sida ay sheegeen.
 
Weriye Faysal Xiis Weerar  oo ku magac-dheer Afgaab, oo ka tirsan weriyeyaasha ka hawl gala wargeyska DAWAN, oo safar   shaqo u jooga magaaladda  Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa makarafoonka la dhexmaray qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan magaaladaasi sida ay u arkaan suldaan  Abuubar Cilmi Wabar oo isagu sheegay in uu dagaal hubaysan la gelayo Somaliland.
 
 
Oday Yuusuf Warsame,  oo uu weriyahayagu wax  ka waydiinay   sida uu u arko  mawqifka  Suldaan Wabar,ayaa  sheegay in go’aanka suldaan Wabar uu yahay mid isaga uun ku kooban, isla markaana  dagaalka uu ku baaqay iyo jiritaanka Somaliland ee uu dafiray ay yihiin waxyaabo aanay cidina ku raaci Karin.
 
Yuusuf Warsame, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Ninkaasi  haddii uu odhan lahaa tabashaa jirta  oo waxaa saa inaga maqan meel wax lagala bilaabo ayaa jiri lahayd oo cid uun baa dhegaysan lahayd.   laakiin waxaa  wax aan   loo  fadhiyin  noqotay  markii  uu yidhi  Somaliland ma nihin  ee uu dagaalka qaatay taasina waxay  noqotay wax isaga u gooniya,  oo aanay cidina la wadaagin.
 
Waxaan  kuu  sheegayaa  intii uu naga duufsadayna badankoodii  way ka yimaadeen,  tirada yar ee ku  hadhayna waanu  ka soo celinaynaa isaguna halkuu tegayo isagaa og.”
 
 
Waxaa kale oo iyadna dareenkeeda ka  hadashay  Hooyo  Caasha Miigane,  waxaanay hadalkeeda ku bilawday sidan   “Dhalinyaradii reer Boorame  Badda, ayaa dhamaysay  ninkanina wuxuu mashruuc  ku soo qaatay inuu inta noo hadhay naga galaafto.
 
Laakiin  il-dheer ayaanu u leenahay oo maanta  nin muraad   lihi caruurtayada ku jabhadayn maayo, dalka   dawladbaa  ka jirta  ciidan buu leeyahay madax iyo  mijo ayaynu  kala leenahay   wax kasta  oo kala dambaynta ka   hor  imanayana  dawladda ayuu xil  ka  saaran   yahay in  ay tallaabo ka qaado” ayay tidhi hooyo Caasha oo ku nool Borama.
 
Dhinaca kale ardayda  wax ka barata goobaha kala duwan ee waxbarashada oo ay  ugu horrayso Jaamacadda Cammuud, ayaa aaminsan in  dhalinyarada magaalada Boorame aanay warba ka hayn Wabarka Buuraha galay laakiin ay ka arkaan oo  kaliya war baahinta.
 
 
Keyse  Xasan oo ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadda Camuud, oo ka hadlayay aragtidiisa  ku aadan suldaan Wabar, waxa uu yidhi “Boorame waa hoygii aqoonta iyo horumarka Somaliland waxaanan jirnaa wakhtigii Jaamacadda waxa kaliya ee aanu ku fooganahay waa waxbaasho iyo sidii aanu u dhisi lahayn naftayada,   una anfici lahayn waalidkayo iyo dalkayaga.
 
Markaa  anaga Suldaan  Wabar  iyo buura galkiisa  waxaa  keliya ee aanu ka aragnaa waa warbaahinta dhegahayaguna hadalkiisa maba maqlaan oo waxa kaliya ee ay u furan yihiin waa casharada aanu jaamacadda ku qaadano”.
 
 
Si kastaba ha ahaatee  arrintani   ayaa tusaale cad waxay u tahay siday dadwaynaha reer Boorame u yihiin dad nabada jecel oo aan colaad abuur u taagnayn.
 
Waxaanay  dedaal ugu jiraan ka midho dhalinta gacansiga iyo meel sare ka gaadhidda aqoonta iyo cilmiga ay dhalinyaradu ku higsanayaan filkooda horumaray.
Warbixin Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply