CHARLES TAYLOR oo loo Diidey in loo Wareejiyo Jeel ku Yaal Ruwaanda

0
358

Madaxweynihii hore ee Laybeeriya Charles Taylor  ayaa lagu amray inuu xabsiga inta u hadhay ku qaato  UK, kadib markii uu ku guuldareystay codsi uu ku doonayay in loogu beddelo jeel ku yaal  Ruwanda.
Waxa uu ku andacoonayay in laga dafirey xuquuqdiisii  nolosha qoysnimo, sababta oo ah afadiisii iyo carruurtiisii oo loo diiday fiisihii Ingiriiska ay ugu iman lahaayeen.
Haseyeeshee garsoorayaasha ayaa diidey eedeyntaasi, waxayna sheegeen in aaney si sax ah  u soo codsan.
Maxkamad ay taageerto QM ayaa ku heshay isaga denbiyo dagaal taageero uu siiyay fallaagadii falalka axmaqnimo ahaa ka geysatey dalka jaarkiisa ahaa ee  Sierra Leone.
 

Leave a Reply