Suldaan Baane oo ku Baaqay Kor u Qaadista Wax soo Saarka Dalka

0
330

Hargeysa(Dawan):-  Suldaan Cali Cabdillaahi Baane oo ka mid ah salaadiinta Hargaysa ayaa ku baaqay in la dhiirigeliyo wax soo saarka dalka gudihiisa si loo yareeyo ku tiirsanaanta waxyaabaha dibada looga baahan yahay.
Suldaan Baane oo qoraal uu arrintan iyo arrimo kale kaga hadlayo na soo gaadhsiiyay, waxa uu ku bilaabay sidan:
“ Waxa aan shacbiga iyo dawladdaba ku dhiirigelinayaa in culayska la saaro sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka, gaar ahaan waxyaabaha daruuriga ah, si looga maarmo ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda ka yimaada oo aan qabo in qaar badan oo ka mid ah halkan laga soo saari karo.
Waxa aan leeyahay waa in aan lagu xidhnaan dibad, sababta oo ah waxa dhici kara dagaallo kala xidha ganacsiga sida kan imminka ka socda Yaman oo aynu ognahay saamaynta uu innagu yeelan karo iyo xidhiidhka dhinac kasta leh ee innaga dhexeeya Yaman.”
Dhinaca kale Suldaanku waxa uu qoraalkiisa ku soo qaatay  biyaha Caasimada, waxaanu yidhi, “ Biyaha Hargaysa waxa aynu ognahay in dhaqaale badan la sheegay in loogu deeqay sidii loo ballaadhin lahaa hadey noqoto midawga yurub, Imaaraatka Carabta iyo  Baanka adduunka, haseyeeshee weli waa biyo la’aan , sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa  dawladda in ay dabagal ku samayso howshaasi iyo  sidii ay caasimaddu u heli lahayd  biyo ku filan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply