Nin Magaca Inanta Uu La Sheekaysto Oo Noqday ISIS Dhibaato Kala Kulmay

0
383

Mid kamid ah shaqaalaha ka hawl gala shirkad kamid ah kuwa wadanka Maraykanka ayaa dhibaato kala kulmay magaca gabadh uu la sheekaysto oo marka la soo gaabiyo noqonaaya ISIS, kaas oo uu ku qortay dibintiisa halka hoose, waxaanu sheegay inuu meeshan magacan ku qortay intii aanay soo bixin kooxdan Daacish.
Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Daily mirror wiil yar oo isna u dhashay dalkaasi Ingiriiska ayaa dibintiisa ku qortay magacan ah ISIS, kaas oo usoo gaabiyey magaca hooyadii, laakin taasi waxay ku noqotay dhibaato, kadib markii ay soo bexeen kooxaha reer Ciraaq ee Daacish oo marka Ingiriisiga lagu qoraayo magacooda loo soo gaabiyo ISIS .
Wiilkan yar ee reer Maraykanka ,kuna qortay dibintiisa hoose magaca inanta uu la sheekaysto iyo wiilka reer Ingiriis ayaa labadoodaba lagu soo qaatay warbixintan wargeysku qoray,iyada oo lagu sheegay inay habka Tattoo-ga ugu qorteen magacyadan jidhkooda,gaar ahaana dibnohooda oo ay halka hoose kaga qoreen magacyadan,laakin aanay wax xidhiidh  ah la lahayn kooxdaasi.
Wiilkan yar ee reer Britain oo lagu magcaabo Kirk Sukorzu ayaa sheegay inuu magacan meesha ku qortay muddo laga joogo 4 sanno,waqtigaasi oo ay dhimatay hooyadii oo aad usoo gacan qabatay.
Wiilkan reer Britain oo waraysi siinaayey Jariirada ayaa sheegay inuu magacan ku khasaaray,madaama oo uu ku waayey shaqadiisii uu sida fiican u haystay ,sidoo kalena uu rajaynaayo inuu shaqo kale helo marka uu xaqiijiyo in aanu dambi ku lahayn magacan,waxaanu sheegay in aanu hore u ogayn magacan ,ilaa uu dhowaan ogaaday in magacan loo soo gaabiyo koox lagu tilmaamay inay tahay argagixiso oo ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.
Afhayeen u hadlay shirkadda uu ka shaqaynaayey wiilkaasi ayaa sheegay in ay jireen sababo kale oo looga eryay shirkadda wiilkan ,laakin maaha oo keliyaata buu yidhi magacan ku qoran jidhkiisa waxa keenay erigiisa.
 
 
 
 

Leave a Reply