Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ganacsatadda Gaadiidka Soo Dejiya Ku Eedeeyay In Aanay Xukuumadda Ka Haysan Ruqsadda Soo Dejinta Baabuurta

0
355

Hargeysa (Dawan):  Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in Macradleyaasha gaadiidka soo dejiya ee ka cabanayay maalmihii u danbeeyay in aanay wax ruqsad gaadiid soo dejin  ka haysan wasaaradda Hawlaha guud.
Waxaanu tilmaamay in xukuumad ahaan uu xil ka saran yahay in ay hubiyaan  Tayadda gaadiidka  dibadaha  laga  soo waarido, isagoo   waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay u soo jeediyeen   qaar ka mid ah ganacsatadda soo dejisa gaadiidka, kuwaasi oo wasiirku  ku eedeeyey in uu lacag sharci darro ah ku soo rogay, isla markaana u awood sheegtay kana diiday codsi  ay ula tegeen oo ahaa in lacagta laga dhimo.
 
Wasiirka Hawlaah Guud, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay DAWAN, ayaa dhinac isaga leexiyay eedaha ay u soo jeediyeen ganacsatadda gaadiidka soo dejiya, waxaanu in lacagta lagu soo rogay Baabuurta dalka la keenayo  ay tahay mid lagu hubinayo Bed-qabka gaadiidka dalka la keenayo.
“Dadkan  cabanaya ee  Macradada leh hal mid oo iyaga ka mid ah oo Ruqsad ah  inuu gaadiidka ka ganacsado  wasaarada ka haystaa ma  jiro.  iyadoo ay sidaa tahay waxa aanu isku daynay in aanu soo dhawayno maadaama ay yihiin  dad  muwaadiniin ah oo cashuur bixiyeyaal ah.  laakiin mid qudha oo    Ruqsadii  soo dejinta gaadiidka ka haysta Wasaaradda Hawlaha Guud   ma jiro. wasaaraddu xaq  ayay u leedahay wixii gaadiidka ku saabsan ama macdarada ha noqoto, ama gaadiidka kale  ee dalka soo gelaya in ay hubiso tayadooda” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in waajibaadka xukuumadda ay tahay inay hubiso Tayada gaadiidka dalka imanaya, isla markaana ay hore ugu gudbiyeen ganacsatadda gaadiidka soo dejiya codsi ah in ay wasaaradda Hawlaha guud ka qaataan Rugsada soo dejinta gaadiidka.
 
Waxaanu  yidhi “Waxa aanu u gudbinay codsi  aanu leenahay iska diiwaangaliya, Wasaaradda Hawlaha Guud, oo wax baanu u tari lahayn iyaga lafti gooda, oo horumarinta ah, markaa doodu waxay ka taagnayd  waa waajib dastuuri ah oo xukuumadda saran in ay hubiso gaadiidkiinu   inuu bed-qabo,  Wasaaradda Hawlaha Guud ayaana u xil saaran, markaa suuragal noqon mayso in la yidhaahdo  qaabkii hore ayaanu u noolaanaynaa, oo aanu geerashyadayadda iskaga hagaajisanaynaa”.
 
 
 
C/risaaq Khaliif Axmed, waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin lacag  dheeraad ah ama sharci darro ah oo lagu soo rogay gaadiidka la soo dejinayo, balse ay tahay mid ay ku kala duwan yihiin qiimaheeda sida ay baabuurtu u kala waaweyn yihiin.hase yeeshee ay tahay mid sharci ah oo caalamka oo dhan laga isticmaalo in la hubiyo Tayadda baabuurtu marka ay dalka soo gelayaan.
 
isagoo arrimahaasi ka hadlayayna, waxa uu yidhi “Ma jirto lacag $150 dollar ah oo lagu soo rogay ganacsatadda gaadiidka soo dejisa, sidii aan horeba u sheegay gaadiidka waaweyn ee tankoodku aadka u weyn yahay waa $70, gaadiidka yar yar ee laankuruusaradda iyo wixii u dhigmana waa $60, baabuurta ka sii yar yar-na waa $50, waana sanadkiiba hal mar baadhis lagu samaynayo bed-qabka gaadiidka, waana arrin wadamada caalamka oo dhan ay leeyihiin oo ah in la baadho gaadiidka soo degaya tayadiisa.
 
Gaadiidka inoo yimaadana waxaynu og-nahay  inay 100% yihiin baabuur  Duug ah oo la soo isticmaalay, mararka qaarkood-na  KM  loo ogolaa ama loogu tallogalay dalalkii lagu soo isticmaalay ku soo dhamaystay, sidaas darteed maadaama oo aynu marba talaabo hore u qaadayno, oo aynu kuwii gudaha hubintoodii shaqadeedii ku bilaabayno hadana kuwo la soo isticmaalay oo ina soo gelaya waa in aynu dekedda ku eegno, wixii cusub ee aan hore loo isticaalin ee km-koodu uu eber yahay, baadhis lagu samayn maayo, warqadana waa la siinayaa, lacagna laga qaadi maayo”.
Waxaanu intaasi raaciyay oo yidhi “Lacag dheeraad ah oo la soo rogay ma jirto, waa adeeg loo qabanayo gaadiidleyda, cida cabashadan hada wadaana ma’aha  Macradadda gaadiidka soo dejiya oo dhan.  baabuurta baadhistoodii imika dekedda way ka socotaa, wax joogsadayna ma’aha, waa macradada qaybo ka mid ah, waxaanu isku daynay in aanu qancino, oo aanu soo dhawayno, maalin dhawaydna waanu kulanay waanan u sharaxnay waxani waxa ay yihiin maalgelinta lagu samaynayo in ay tahay shaqadii ay wasaaradani gaarka u lahayd in badbaadada dalka waajib naga saaran yahay, dad abdan oo ku qancayna baabuurtoodii way la soo baxeen, qaar kalena way soo wadaan”.
 
Mar uu ka hadlayay kulankii ay shalay la yeesheen ganacsatadda baabuurta soo  dejiya iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxa uu yidhi “Maanta (shalay) lafteeda markii ay noo yimaadeen way ku kala aragti duwanaayeen, qaarkod waxay qabeen in xagga qiimaha ay cabasha ka muujinayeen oo taasi uun laga hadlo, qaarna waxay istaageen arrin aad moodo inay iaygu awoodi rasmiga ahayd ay leeyihiin, oo gaadiidka aanu soo dejino, wuxuu doono ha qabo ee ayaanay cidna noo hagaajin, hubinta bed-qabkoodana waxba idinkama gelin hadalo noocaas ah oo mas’uuliyad darro ah ayay ku ahdleen, anaguna wax jawaab ah maanaan siinin, waxaanu u sheegnay inay mas’uuliyadayadii tahay awoodii dawlada in aad ka hor timaadana khalad ayay idinku tahay. Waxaa igu maqaalo ah inay shirjaraa’id qabteen oo warar been ah ay ku hadleen oo ah awood ayaa la noo sheegtay in waa lana hadiday”.
Wasiirka oo ka hadlayay cida qaadaysa lacagtani bed-qabka gaadiidka lagu hubinayo ee baabuurta soo degaysa  lagu soo rogay  waxa uu yidhi “Waxaa qaadaysa, shirkad gaar loo leeyahay ayaanu qandaraas ku siinay  inay noo maalgeliso shaqada gaadiidka ee ay wasaaradu haysay oo ay ka dhigto goob casri ah, oo gaadiidka lagaga shaqeeyo iyo inay inoo keento qalabkii lagu hubinayay gaadiidka, shirkadaas ayay dawladu la gashay, heshiis ah, habka wadaaga ah. Shirkadaasi ayaa hawsha qabanaysa, dawladuna saami ama percentage ayay ku leedahay, maalgelinta ay samaysay shirkadu waa hab-wadaag ah oo la wadaagayo faa’iidada wixii ka soo baxa oo dawladu 50% ay qaadato shirakduna ay 50% qaadato”.
 
Waxaanu intaasi ku daray “Shirkadda magaceeda waxaa la yidhaahdaa Somaliland Vehicle Test, waxaanay keentay shaqaale ajnabi ah maadama aaanay dadkeenu aqoon u lahayn hawshani, kuwaasi dusha ka maamulaya. Waxaananu heshiis kula galnay in ay dadkeena u tababarto.  Shirkaddu way bilowday hawshani labadii toddobaad ee ugu danbaysay, waanay socotaa, macaradada aad ayaan u ixtiraamaynaa” ayuu yidhi C/rasaaq Khaliif.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply