Hargeysa (Dawan) – Guddida baadhista xasuuqii taliskii Siyaad Barre ka geystay dalka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in ay magaalada Gabiley ka heleen xabaal wadareed ay ku jiraan lix qof oo si arxan darro ah nafta looga jaray sannadkii 1987-kii, xasuuqaas oo uu fuliyay Col- Tuke oo hadda ku nool dalka Canada.
Xoghayaha guddida baadhitaanka xasuuqa Mr. Khadar Maxamed Daahir ayaa waxa uu sheegay in hal xabaal ay ka soo saareen lix qof oo lagu aasay. Waxa kale oo uu xusay in ay wali wadaan baadhitaan ay suurto-gal tahay inay xabaashan ka helaan qof todobaad.
“Xasuuq wadareedkii ka dhacay Gabiley sannadkii 1987-kii ee uu shacabka Somaliland u gaystay taliskii macangaga ahaa ee Afweyne. Illaa imika waxaanu haynaa oo aanu soo saarnay xabaashan lix qof, mid todobaadna waxaan tuhunsanahay in uu hoosta ku jiro. Arrintaa naxdinta leh waxaanu uga tacsiyaynanaynaa guud ahaan qaranka Somaliland, gaar ahaan shacbiga gobolka Gabiley oo ay dadkan ay lafahoodii soo saareen ay ka soo jeedeen,”ayuu yidhi Khadar Maxamed Daahir, oo shalay warbaahinta ugu dul-waramay xabaashaas.
Badhasaabka gobolka Gabilay Md. Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) ayaa waxa uu sheegay in aan marnaba la iloobi doonin dhibaatada uu Taliskii Siyaad Barre u gaystay dadka reer Somaliland, waxaanu xusay inaan laga hadhi doonin sidii sharciga loola tiigsan lahaa masuuliyiintii xasuuqaas fuliyay.
Badhasaabku waxa uu soo dhaweeyay shaqada iyo dedaalada Guddida dabo-galka xasuuqu ay ku tallaabsadeen muddooyinkii u dambeeyay, waxaanu balan-qaaday inay maamul gobol ahaan gacan siinayaan Guddigaasi.
Maayarka magaalada Gabiley Amiin Cumar Cabdi ayaa isna waxa uu sheegay in arrintani ay shacabka Somaliland dib u xasuusinayso dhibaatadii aan tirada lahayn ee loo gaystay, cidii xasuuqan ka danbaysayna mar uu cadaalada la lala tiigsan doono.
Safiya aw Aadan Meecaad oo ka mid ahayd dadkii ehelkoodu ay ku jireen xasuuqaas ayaa waxay sheegtay in ay goob joog u ahayd iyadoo maalin kasta tiirka lagu xidho 14 qof, oo inta laysku xidh-xidho suuqyada la soo marin jiray maydooda si dadka shacabka ah looga argagixiyo.
Guddida xasuuqu waxa dedaalkoodu sababay inay kasbadaan khubarro caalamiya iyo jaamacado waaweyn oo aqoon durugsan u leh baadhista dhacdooyinka xasuuqyadda, waxaana beryahan-ba la shaqaynayay Guddigaasi aqoon-yahanno ajanabi ah.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office