Danjire Cali Aadan Muxuu Ka Yidhi Aqoonsiga Somaliland Ka Heshay Golaha Deegaanka Cardiff

0
422

London (Dawan): Safiirka Somaliland ee dalka Britain Cali Aadan Cawaalle, ayaa sheegay in aqoonsiga ay Somaliland siiyeen Golaha Deegaanka magaaladda Cardiff ee dalkaasi inuu soo dedejin karo aqoonsi buuxa oo ay siiso dawladda UK Somaliland, waxaanu sheegay in taasi ay fure u tahay ama u noqonayso hawlaha ictiraaf raadinta.
Cali Aadan Cawaale, oo telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, ka markii ay golaha Deegaanka magaaladda Cardiff ee dalka boqortooyadda Ingiriiska fadhi ay yeesheeen   shalay cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen  madax-banaanidda Somaliland.
Ambassador Cali ka hadlayay faa’iidada ugu jirta Somaliland aqoonsiga ay ku dhawaaqeen Golaha Deegaanka Cardiff, waxa uu yidhi “Cardiff waa caasimad ka mid ah caasimadaha boqortooyadda midawday waxa loo yaqaanaa waa afar wadan oo isku tegay, afartaasi wadan waxaa koow ka ah England, Scottland, Walles iyo Northern Irland, markaa afartaa dal ee isku tegay mid ka mid ah weeye Walles, Cardiff-na waa caasimadda Walles markaa miisaankeeda ayay leedahay, oo aad ayay u culustahay, waxaanu filaynaa inay ka saamayn badato aqoonsigii ay hore Somaliland u siiyeen Golaha Deegaanka Sheffield, maadaama oo ay Cardiff caasimad u tahay mid ka mid ah afartaasi dal ee isku tegay”.
“Cardiff aqoonsigeedu wax weyn ayuu u soo kordhinayaa Somaliland, waayo al-baabkii furmay ee Sheffield mid labeeya, weliba Cardiff waxaa ka dhisan guriga ama baarlamaanka Wales ayaa halkaa ka dhisan oo Cardiff ku leh xafiis weyn, oo halkaasi uga taliya hawlaheedana ka qorsheeya, markaa iyadu waxay ku sahlanaanaysaa Golaha Deegaanka Cardiff haddii ay inagala shaqeeyaan qorshe kale in aan u gudbino Golaha weyn, oo aynu iyagana ka codsano inay Somaliland aqoonsadaan, markaa taasi macnaheedu waxay noqonaysaa mar haddii Wales ina aqoonsatay in rubuc ka mid ah Ingiriisku ina aqoonsan yahay oo arrinteenu waxay noqonaysaa mid wadanka Ingiriiska, iyo baarlamaanka Ingiriiska ka soo dhawaysa aqoonsiga iyo ictiraafka. Waxaa halkaa ka sii socon doona xoojinta qaddiyadeena oo ah in baarlamaanka loo gudbiyo, oo aynu ku dedaalno ictiraaf raadinta” ayu yidhi Ambassador Cali.
By: Khaddar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply