Xildhibaan Bidhi Oo Bogaadiyay Jaaliyadii u Olaleysay In Golaha Deegaanka Cardiff Aqoonsado Somaliland

0
329

Hargeysa (DAWAN)- Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ahaa qurba joogta Birmingham Dalka Ingiiriska, iminkana ka tirsan Golaha  deegaanka Burco,waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Golaha deegaanka Magaaladda Cardiff ee dalka Ingiriiska oo fadhi ay khamiistii yeesheen ku shaaciyay inay Somaliland u aqoonsadeen qaran-madax banana.
Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu sidaasi ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo uu ka soo saaray caasimadda Hargeysa oo uu socdaal shaqo ku joogo, waxaanu si niyad-sami ah u bogaadiyay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Cardiff iyo xubnihii sida weyn ugu olaleeyay in laga midho-dhaliyo dedaalkaas wax ku oolka ah, waxaanu u dhignaa sidan:-  Waxaan hambalyaynayaa  Jaaliyada Somaliland Cardiff, Gaar ahaan Guddidi ictiraafka ka midho dhaliyay aqoonsiga Somaliland oo ka kooban 15 xubnood. waxaan sidoo kale bogaadinayaa Golaha Degaanka Cardiff oo ictiraafay Somaliland khamiistii,tallaabadaas oo guul  u ah qaranimadda Somaliland. Waxa  iyaguna xusid mudan oo aan ammaanayaa  weftigi miisaanka culus lahaa ka qeyb-galay ee ay ka mid ahaayen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Waxaan taageerayaa Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud oo mudadi uu xilka uu hayay ay yimaaden ictiraafka Cardiff, Sheffeild Iyo Horumar Balaadhan oo Xaga Siyaasada Arrimaha Dibada ah. Ugu dambayntii waxaan baaq guubaabo ah u  dirayaa dhammaan jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan Wadanka UK, sida fiican uga soo qayb galeen. waxaan kula dardarmayaa inay u midooban qadiyada Somaliland.  Waxaan rajeynayaa in magaalada 3-aad Somaliland ictirafi doontaa  ay noqoto caasimada labaad Ingiriiska Birmingham oo meel fiican olalaheedu  marinayso. Waxaanan Guud ahaan-ba Jaaliyada Reer Somaliland Ku Kala Nool Caalamka Ku Boorinayaa Inay Dhinacooda Ka Galaan Dedaalka Xoogan Ee Loogu Jiro Ictiraaf Raadinta Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply