Duuliyihii Riday Diyaaradda oo la Sheegay inuu Xanuunsanayay

0
339

Duuliyaha labaad ee loo tirinayo inuu si u kas ah  u burburiyay  dayaarada ayaa la sheegayaa inuu jirey xanuun uu qarsanayay.
Cusbitaal ku yaal Jarmalka ayaa xaqiijiyay inuu ahaa bukaan uu dhawaan dabiibay balse waxa uu dafirey warar sheegayay in laga daweynayay xanuun madaxa ah.
Shirkadaha duulimaadka ayaa lagu booriyay in ay ansixiyaan xeerar cusub oo xagga amniga ah.
Dacwad oogaha guud ee magaalada Faransiiska ku taalla ee Marseille, ayaa sheegay in duuliyaha labaad ee diyaaraddii ku dhacday buuraha Alps ee dalkaasi, uu si ula kac ah diyaaraddaasi ugu dhuftay buurta.
Dacwad oogaha ayaa sheegay in aanay cadeyn sababta uu duuliyaha Jarmalka ah u riday diyaaradda, iyadoo ay ku dhinteen dhammaan boqol iyo kontonkii qof ee saarnaa.
Waxa uu intaa ku daray in duuliyaha koowaad ee diyaaradda uu dibadda uga baxay shilka ka hor inta aanay dhicin, isla markaana uu duuliyaha labaad u diiday in uu qolka wadida  ku soo laabto.
Duuliyaha labaad ee loo haysto in uu diyaaradda riday ayaa diiday codsiyo isdaba joog ah, oo uga imanayay duuliyaha koowaad iyo waaxda hagidda diyaaraddaha.
 
 
 
 

Leave a Reply