Qiso Kooban: Hooyada Ayaa Janada Lagu Helaa

0
594

Nabi Muuse (CS) ayaa Allah (sw) waydiiyay inuu u sheego Qofka Janad ku wehelin doona ?
Allah (sw) ayaa Nebi Muse faray inuu meel u safro, halkaasina uu ku arki doono nin uga jawaaba su’aashan.
Nabi Muuse (CS) sidii ayuu sameeyey meeshii la Amray inuu tago ayuu tegay, waxuuna la Kulmey Nin, Nabi Muuse (CS),wuu iska Qariyey Ninkaasi oo isuma sheegin inuu yahey Nabi Muuse, Ninkii wuu soo Dhaweeyey isagoo u Malaynaya inuu Nin Safar yahay, raashin ayuu u keeney, meel uu ku Nastana wuu siiyay.  Ninkii oo Nebi Muse (cs) la jooga ayay hooyadii u yeedhay, Nebi Muse ayuu u sheegay inay hooyadii doonayso inuu kaalmeeyo. Ninkii markuu Hooyadii Caawiyay, ayey u Duceysay, Nebi Muuse wuu Maqlaayey hadalka Hooyada, laakiin muu fahmin.  Markii ninkii ku soo noqday ayuu Nebi Muse (cs) ninkii ku yidhi “ Hooyadaa warkeeda waan maqlayay laakiin maan fahmine maxay lahayd ?” Ninkii ayaa ku yidhi “ Iska daa warkeed waa qof weyn oo lama fahmayo “. Laakiin wuu ka dayn wayay su’aashii Nebi Muse ninka.   Ninkii ayaa markii danbe ku yidhi “ wax kale may odhan ee waxay tidhi Allah hakaa dhigo wehelka Janada  Nebi Muse”. Nebi Muse (cs) ayaa yidhi waan gartay waa adiga qofkan janada wehelka iigu ah , Allah ayaa isoo kaa diray.  Astaamaha iyo acmaasha janada lagu galo waa hooyada oo la caawiyo.
 

Leave a Reply