Iiran oo Waraaq u Dirtay Quwadaha Caalamka

0
361

Madaxweynaha Iiran Xasan Ruuxaani ayaa weydiistay hoggaamiyeyaasha lixda quwadood ee dunida ee ay ka wadahadlayaan barnaamijka niyuukliyeerka dalkiisa in ay ka faa’iidaystaan fursad nooceeda oo kale aysan jirin oo heshiis lagu gaadho.
Wuxuu sheegay in Iran oo laga qaado dhammaan xayiraadaha saaran ay tahay tallaabada ugu weyn ee loo baahan yahay si heshiis loo gaadho.
Lixdani waddan iyo Iraan ayaa horey waxa ay u qabsadeen in ugu dambayn dhammaadka bishaan ay soo gaba-gabeeyaan heshiis horseedaya in la xakameeyo barnaamijka niyuukleerka Iraan, taa baddalkeedana laga khafiifiyo xayiraadaha saaran.
Iran waxa ay ku adkaysanaysaa in niyuukleerkeedu uu yahay mid loogu tala galay in laga dhaliyo koronto balse waddamada reer galbeedka ayaa ka cabsanaya in ay sameysato hubka wax gumaada ee niyuukleerka.
 
 
Dhinaca kale, Iran ayaa ku baaqdey in si deg deg ah loo joojiyo weerarrada waddamada Khaliijka ee ay hogaanka u hayso Sacuudiga.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran ayaa sheegtay in weerarrada ay caqabad ku yihiin in nabad lagu dhameeyo khilaafka dalkaasi Yemen.
Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran ayaa sheegtay in weerarradaasi ay uga sii dari doonaan xaaladda dalkaasi.
Goor sii horreysay, ayaa Sacuudi Carabiya waxay gudaha Yemen ka billowday hawlgal milatari oo ay uga jawaabeyso baaqii madaxweynaha Yemen Cabdu-rabuh Mansur Haadi.
Qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa in laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo garoonka ugu weyn ee ku yaalla.
Telefishin taageeraya maleeshiyaadka fallaagada Xuutiyiinta ayaa ugu baaqay hawlwadeenada caafimaadka in ay ka shaqo billaabaan cusbitaallada ku yaala magaalada Sanca.
Warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegtay in xukumadda Riyaad ay hawada dalka Yemen ka dhigatay meel duulimaadyada ka caagan, waxa ayna maraakiibta uga digtay in ay ku soo dhawaadaan dekadaha Yemen.

Leave a Reply