“Waxaanu wadnaa oo gaba-gabo ah Biriishkii ugu waynaa Uguna horeeyay ee Boorama Yeelato”

0
333

Boorama(Dawan): Maayarka  magaalada Boorama   ayaa sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan  u soo dhamaanayso arrinta kooxda Suldaan Wabar  taasi oo uu sheegay in ay si weyn uga    hawl galeen, ilsa markaana ay hada  meel wanaagsan  ay u marayso soo celinta  dhalinyaradda  la hubeeyay  oo uu tilmaamay in la qalday.
Saleebaan Xasan Xaddi, Waxa uu sidaasi ku  sheegay waraysi  uu magaaladda Boorama  kula yeeshay   wariye Faysal Xiis Weerar (Afgaab),  oo ka tirsan Wargeyska Dawan  mar uu dhawaan socdaal Shaqo ku tegay Boorama.
Waraysigaasi aanu Boorama kula yeelanay maayarka ayaa waxa u kaga hadlay arrrimo badan oo ay ka mid yihiin waxyaabaha u qabsoomay gole deegaan ahaan iyo waxyaabaha is-bedelka dhinaca bilicda ee ay magaaladda ka sameeyeen.
 
Duqa Boorama oo ugu horayn ka waramayay  waxyaabaha u qabsoomay waxa u yidhi “Waxyaabaha noo qabsoomay ee aanu magaalada ka hir galinay way badan yihiin  mudadda  aanu joognay gole deegaan ahaan oo laba sano iyo badh ah,      kuwaasi oo kala duwan.   laakiin waxaan kuugu soo koobayaa kuwii ugu dambeeyay oo ah, oo ah kuwo  aanu imika gacanta ku hayno oo ay ka mid yihiin Wadada Sheekh Cali Jawhar oo dhamaatay  wadadda Galda Road la yidhaahdo iyadu  way dhamaatay,   wadadda madaarka iyo magaaladda isku xidha oo aanu ka samaynay Biriishkii ugu weynaa uguna horreeyay ee ay Boorama yeelato oo aanu ka wadno ayaa iydna dhamaad ah oo aanu gacanta ku haynaa,  kaasi oo  markii hore la is lahaa  dawladda hoose u jilib dhigi kari mayso laakiin markii la arkay in aanu ku guulaysanay dadku waxay  ogaadeen in wax la qabsan karo,  haddii lagu dhaqaaqo taasina waxay sababtay in ay dadkuna ku dhiiradaan in wax la wada qabsado”.
Waxaanu intaasi ku daray “Waxaa kale oo aanu wadnaa mar haddii ay Boorama ku taallo meel hoose oo biyo mareeno ah isla markaana ay dooxyadu ku badan yihiin waxaanu qorshaynay in aanu horta magaalada oo kala go’nayd in aanu isku xidhno oo aanu waddooyinka awoodda saarno, waxaanau  ka samaynana Biriish  weyn iyadoo roobabku ay khatar badan ku hayaan magaalada xilli roobaadyada oo ay     dhimasho keeneen Daadadku.  markaa imika waxyaabahaas iyo qaar kaleba waanu wadnaa” ayu yidhi maayarka Boorama.
Waxa kale oo uu sheegay maayarku in ay shirkad gaar loo leeyahay ku wareejiyeen ururinta qashinka, taasi oo magaaladda ka nadiifisa qashinka. Waxaanu tilmaamay in dhinaca nadaafadda magaaladda ay wax  badani iska bedeleen marka loo eego sanadihii hore.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qashinka magaalada waxaanu ku wareejinay shirkad madax bannaan oo sheerer ay dadwaynuhu ku leeyihiin markaa magaaladda nadaafadeedu aad ayay u wanaagsan tahay,  waliba qofka ku  cusub magaaladu marka uu yimaado wuxuu ku qiimaynayaa in ay tahay magaalada ugu nadaafada wanaagsan.
Laakiin  weli anagu waxaanu is leenahay waxbaa idinka dhiman,  shirkaddana waanu ku ilaalinaa in ay shaqadeeda sida ugu wanaagsan uga soo baxdo. Dhinaca Eyda sanad kasta waanu sumayn jirnay laakiin waxaanu hore u soo waynay  sanadkan oo aan dalkeena laga helin dawada lagu sumeeyo oo dibadaha loo doonto imikana xilli roobaadkii ayaa naga soo gaadhay oo waxay noqonaysaa in aanu xilli roobaadka ka dib sumayno qorshohoodana waanu wadnaa.”
Saleebaan Xasan Xaddi oo aanu wax ka waydiinay   in ay wax saamayn ah ku yeelatay guud ahaan gobolka Awdal arrinta suldan Wabar, gaar ahaan dhinaca   nabad gelyada. Waxa uu ku jawaabay “Suldaan Wabar wuxuu ahaa Suldaan reer oo kalidii ayaa baxay,   dadka intii kalena way joogaan wax saamayn ah oo ay nabadgelyada iyo gole deegaan ahaan ay nagu keentayna ma jirto.  arrinta  Wabar-na imika waa gebagabo oo way soo dhamaanaysaa,  waanan ka hawl galnay,  meel fiicanna way noo maraysaa” ayu yidhi maayarku.
Dhinaca kale maayarka oo ka waramayay arrimaha dhinaca dhulka, waxa u yidhi “Golahayagan deegaanku ma jiro wax dhul dan guud ah oo aanu kala wareegnay golihii naga horeeyay haba yaraadee  dhul danguud ahina gacantayada kuma jiro guryahaa aanu ka dhisayno I.D.P-yadana waxaanu ka jarnay oo ku tabarucay dadkii beeraha lahaa oo golihii naga horeeyay u nashqadeeyay oo ay sharci u lahaayeen waanan uga mahad naqaynaa guryaha dawladuna marka horeba halkan kumay badnayn oo tiro yar ayay ahaayeen kuwaasina dadbaa ku jira oo waxaanu wadnaa in aanu markaanu guryahaa dhisno in aanu u rarno oo ay gacanta dawladda ku soo noqdaan.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply