Sucuudiga oo sii wada duqaynta iyo Baaqa Wasiirka Khaarajiga Yemen

0
342

Wasiirka Arrimaha dibadda Yemen ayaa sheegay in weerarrada xagga cirka ah ee ay wadaan xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee dhanka ka ah falaagada xuutiyiinta ay soo af-jarmaan sida ugu dhakhsiyaha badan.
Riyadh Yasin wuxuu sheegay in ololaha duqayntu uu ku dhammaan karo maalmo gudahood, waa haddii buu leeyahay  la joojiyo in xuutiyiintu horey u soo durkaan.
Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in ay sii wadi doonto ololaha, ilaa iyo inta awoodda fallaagada aad looga wiiqayo.
Waxaana habeenkii labaad diyaarada dagaalka Sucuudigu ay duqeymo ka gaysanayeen bartilmaameedyo ku yaala dalkaasi Yemen.
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Cabdul-maalik Al-Xuuti ayaa Sucuudiga ku tilmaamay xukumad nacas ah oo ku khamaartay taageerada Mareykanka.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply