Wasiir Cukuse Oo Baaq U Jeediyay Ganacsatada Baabuurta Soo Dejisa

0
349

Hargaysa(Dawan)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Md.  Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muranka maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay ganacsatada Baabuurta soo dejisa iyo Wasaarada Hawlaha guud, oo isku khilaafsan xafiis laga furay dekada Berbera, kaas oo lagu eegaayo tayada Gaadiidka dalka soo galaya.
“Hargaysa waxaad maqlayseen maal-mahan iyagoo Saxaafaddu qorayso  oo wax ka sheegaya, qolo gaadiidley ah,  oo ka hadlaya xafiis laga furay dekeda Berbera iyo Kastamka, ama meelaha gaadiidku ka soo dego. xafiiskaasi maaha Xafiis   dalka oo dhan ka furmaaya, wuxuu ka furan yahay kastamka gaadiidka lagu soo cashuurro iyo Dekeda uu gaadiidku ka soo dego. Xafiiskaasi iyo kuwa kale ee la nooca ah, dalkeennu wuu korayaa  waxaynu nahay dal maalinba tallaabo qaadaya,  waxaa laga yaaba arrin qarniyo ka soo jirtay caalamka in aanay dalkeenna ka jirin, oo marka aynu is nidhaano bilaaba  wax kasta oo cusubi waxay yara  leeyihiin fajac iyo la yaabe uu hadal ka soo baxo,”ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo ka hadlayay khamiistii xaflad lagu daah-furayay xarun wasaarada warfaafintu ka furatay Boorame oo laga soo diro doono wararka TV-ga iyo idaacadda Radio Hargeysa.
 
Mr. Cukuse waxa uu ganacsatada ku booriyay inaanu la dheeraanin fajacu, xukuumaduna ay diyaar u tahay inay qanciso.
“Qolada gadiidleyda waxaan leeyahay  fajaca iyo la yaabka ha ku raagina,  arrinta aynu hubsano, cagtana u dhiga oo ka eega waxtarka  ay dalka u leedahay, Xukuumaduna cagta way idiin dhigaysaa,  waanay idin dhegaysanaysaa si laydin qanciyo, waayo way ku khasban tahay Dawladdu inay idin qanciso wanan idin qancinaynaa,”ayuu sheegay Wasiirku, waxaanu intaas ku kabay “Had iyo  jeer waa inaynu xasuusnaanaa markaa wax  innagu cusub yihiin Fajaca hore qolada mucaaridkuna qoladan yaaban ka yara faa’iidaysta, la yaab kaasi mid aad loogu sii raagi karo maaha, waayo wuxuu bulshada ka saameeyaa inta gawaadhida soo dejisa, wuxuu sameeyaa Kastamka Berbera oo qudha, waana arrin adduunka oo  dhan ka jirta in dalku iska eego tayada gawaadhida soo galaysa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply