Danjireyaal Cusub Oo Loo Magacaabay Kenya Iyo Jabuuti

0
354

Hargeysa (Dawan):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ,ayaa Safiirro cusub u magacaabay dalalka Jabuuti iyo Kenya  kana qaaday  xilkii ay qaranka u hayeen labadii safiir ee dalalkaas u fadhiyay Somaliland.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray Xoghayaha xafiiska saxaafada madaxtooyadda Somaliland Mudane Naasir Yuusuf Daahir, waxaanay u qornayd sidan:-
“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3129/032015 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka Kenya iyo Jabuuti.
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Tixgeliyey, Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka.
 
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka Jabuuti & Kenya,Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
 
Markuu ku Qancay:In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay,
 
Wuxuu go’aansaday: In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta (shalay)  uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.
 
In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda maanta (shalay)  uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ku:Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir)  Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Kenya Nairobi.
Og:Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah    Hargeysa.Mudane,Waxa aan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
 
Ku: Mudane, Maxamed Xirsi Qalinle, Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Jabuuti  Jabuuti.
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah    Hargeysa.
Mudane, waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply