Somaliland Oo Qaabishay Qaxoonti Ka Soo Qaxay Dagaalka Yeman

0
327

Hargaysa (Dawan): Qaxoontigii u horeeyay oo ka soo cararay colaadaha ka aloosan dalka Yeman ayaa shalay soo gaadhay Somaliland kuwaasi oo ka soo degay dekedda magaaladda Berbera.
Dadkan qaxoontiga ah ee Berbera ka soo degay oo ay tiradoodu gaadhayso dhawr iyo sodon qof oo Yemaniyiin ah oo ay siday dooni ay ka soo raaceen Yeman, ayaa la dejiyay isla magaaladda Berbera.
Sidasi uu  sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, oo  u waramay BBC-da.   waxaanu tilmaamay  in dadkaasi Qoxootiga ah ee ka soo cararay dagaaladda ka socda Yeman kuwoodii u horeeyay ay soo gaadheen Somaliland,  isla markaana la filayo in ay dhawaan soo gaadhaan Somaliland qoxooti kale.
 
Cali Waran Cadde, waxa uu intaasi ku daray inay  xukuumad ahaan u diayar garoobeen sidii  loo qaabili lahaa dadkaasi ka soo qaxay dagaalka ka socda Yeman, waxaanu  sheegay in  ay hay’adaha caalamiga gaar ahaan hay’adda qaramadda Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR    ay la socodsiiyeen sidii ay wax ugala qaban lahayd qaabilaada iyo dejinta qaxoontiga ka imanaya Yeman.
isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhawr iyo sodon hore wayna soo gaadheen imikana waxaa la filayaa in ay ilaa toddobaatameeyo kale yimaadaan, waxaan filaynaa in ay soo badan doonaan dadka qaxoontiga ahi, oo ay ku soo jeedaan Berbera, ama Soomaali ha ahaadaan ama Yemaniyiin. Xisaabtanka ayay noogu jirtaa sidii aanu dadkaasi u qaabili lahayn, oo loogu heli lahaa meelo la dejiyo, in kasta oo ay Berbera kulayl tahay, sidii hadana Hargeysa iyo magaalooyinka kale meelo looga samayn lahaa, hawshaasi waanu la soconaa aad ayaanu isha ugu haynaa”.
 
“Waxaanu la socodsiinay UNHCR iyo hay’adaha kale ee qaxoontiga ku shaqada leh in ay hawlahaasi u diayar garoobaan oo ay wax nagala qabtaan, waxaanay noo muujiyeen inay diyaar  u yihiin inay wax nagala qaban doonaa, haddii ay soo kordhaan dadka qaxoontiga ahi”.
 
 
 
Somaliland iyo dalka Yeman waxaa ka dhexeeya xidhiidh ganacsi oo aad u weyn,  xoolaha oo ah   laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland ayaa loo diraa dalal ay   Yeman ka mid tahay  sidoo kale  Yeman waxaa Somaliland uga yimaada Bagaash kala duwan.
Hase  yeeshee waxaa dhamaanba istaagay ganacsigii loo diri jiray iyo kii ka iman jiray dalka Yeman, ka dib markii uu dhawaan dalkaasi ka bilaabmay dagaalka  ay dawladda Yeman kula jirto  jabhadda Xuutiyiinta.
Cali Waran Cadde,  oo ka hadlayay Saamaynta dhaqaale ee uu dagaalka ka socda dalka Yeman  ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee dhinaca Somaliland,   waxa uu yidhi “Way jirtaa saamaynta uu ku yeeshay ganacsiga dagaalka ka socda Yeman, hase yeeshee haddii uu sii daba dheeraado dagaalku way dhici kartaa in dariiqyo kale la isticmaalo, sida ay imikaba dayuuraduhu u  isticmaalaan.  Waana  laga yaabaa inay Maraakiibtana ku dhacdo in ay meel kale isticmaalaan.  waayo marka ay dhibaato dhacdo saamaynteeda ayay leedahay”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply