Badmareen ku Lumay Badda oo la soo Badbaadiyay 66 Cisho kadib

0
628

Bad mareen  Maraykan ah oo muddo laba bilood  ah ku lunsanaa badweynta ayaa la soo badbaadiyay.
Ninkaasi ayaa la sheegayaa inuu ku badbaadey isaga oo quudanayay kalluunka qaydhin iyo biyaha roobka.
Badmareenkaasi oo magaciisu yahay Louis Jordan, 37 jir ayaa sheegay inuu maryihiisa dhigayay badda taasi oo ka caawisay inuu  ku soo qabsado kalluunka , waxaanu Ilaahay uga  mahadceliyay inuu soo badbaadiyay markii dhibicdii u danbaysay ee biyo ahayd ka dhamaatay.
“Aakhirkii Ilaahay ayaa ducadii iga aqbalay ka hor intaanay wax waliba iga dhamaan,” ayuu yidhi isaga oo u warramaya  CNN.
Doonta la halowdey ayaa markab Jarmal ahi ka helay khamiistii meel r 200 miles  ka baxsan xeebta  North Carolina, isaga oo ay isugu darsmeen fuuqbax iyo dhaawac ka gaadhey garabka.
 
.
 
 
 
 

Leave a Reply