Khubarada Hubka Ruushka Oo Samaynaaya Markab Xambaari Doona Diyaaradaha Dagaalka Iyo Ciidamada Oo Noociisu Caalamka Ku Cusub Yahay

0
408

Khubarada dhinaca Hubka ee wadanka Ruushka ayaa ku hawlan sidii ay u samayn lahaayeen markab noociisu cusub yahay oo qaadi doona diyaaradaha iyo ciidamada kala duwan ee wadankaasi,kaas oo si fudud ku gaadhsiinaaya meel  kasta oo caalamka kamid ah .

Markabkan ayaa qaadi doona diyaarado tiro ahaan gaadhaaya 100 diyaaradood ,sidoo kalena ciidamada ayaa ka dhigan doona hoy,waxa kale oo dhexdiisa laga heli doonaa meelo lagu xereeyo gawaadhida gaashaaman iyo kuwa bada iyo berigaba mara.

Waxaana dhowaan lasoo bandhigay qaabka uu noqon doono markabkaasi ,kaas oo laga Baas gareeyey golaha Military-ga ee wadankaasi Ruushka oo ah meel ay sii maraan saanadaha lagu soo kordhinaayo ciidamada dalkaasi.

Masuul kamid ah masuuliyiinta shirkadda samaynaysa markabkan oo lagu magcaabo Valerie Polovenkin ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee la sameeyo markab noocan oo kale ah ,sidoo kalena waxa uu intaasi ku daray in la dhameeyey wax kasta oo loo baahnaa in lagu sameeyo,isaga oo intaas raaciyey inuu qaadi doono markabkani diyaarado gaadhaaya 100 diyaaradood.

Diyaaradahan ayaa noqonaaya kuwo marna dibada loo soo saaro marna meel hoose oo markabka ah lagu xereeyo,kuwaas oo ay adag tahay sida loo arkaa ama loo helaa waxkasta oo dhaca.

Waxaanu noqonayaa mashruucani kii ugu weynaa ee soo mara ciidamada dalkaasi marka laga yimaado samayntii qoriga AK47-ka loo yaqaano.

 

Leave a Reply