kenya-university

0
478

Su’aalo ayaa  soo baxaya   sababta looga dhego adaygay  digniiino laga bixiyay inuu  weerar dhacayo, xilli  Kenya u barooranayso  148 qof oo lagu dilay weerarkii khamiistii  al-Shabab ku qaaday jaamacadda  Garissa university campus.
Warbaahinta kala duwan ayaa qoraysa in ay jireen digniin laga sii bixiyay weerarkaasi.
Wargaysyada Kenya ayaa sheegaya inay jireen macluumaad sirdoon oo ku saabsan inuu dhacayo weerar culus oo lagu qaadayo iskul ama jaamacad.
Su’aalaha deegaanka layska weydiinayo ayaa ka hadlaya sababta amniga loo adkeyn waayay iyada oo laba ilaaliye oo keliyi gaadhka ku jireen xilligii weerarku dhacayay.
 
.Afar qof oo nool ayaa loogu tegay gudaha kambaska, balse sida ay wararku sheegayaan laba ayaa laga shakiyay, lana xidhay.
Midkood ayaa ah Tansaaniyaan oo aan lahayn xidhiidh la og yahay oo uu la lahaa jaamacadda.
Wasiirka amniga Kenya Joseph Nkaiserry ayaa xaqiiqsaday  142 arday oo dhintay , saddex sarkaal oo booliis ah iyo saddex askari.
Booliiska dalka jaarka ah ee  Uganda ayaa sheegay in ay heleen macluumaad tibaaxayay  in weerar noocaas ah la qorsheynayo.
 
Jariirada  Daily Nation ayaa werisay in ay muuqatay in ay laamaha sirdoonku heleen warar ku saabsan weerar lagu qaadayo  macad sare oo waxbarasho iyo inay u tageen goobo waxbarasho..
Waxa la sheegayaa in ay jaamacadda  Nairobi uga digtey ardeyda  25 March in ay heshay macluumaad la xidhiidha weerar suurtagal ah in lagu qaado jaamcadda, waxaanay weydiisatey in ay feejignaadaan.
Dhinaca kale Bandaw habeenkii ah ayaa lagu soo rogay magaalooyinka Garissa, Wajir, Mandera iyo Tana River.
Bandawgan oo shalay  dhaqan galay ayaa socon doona illaa iyo 16-ka bishan Abriil.
Ardaydii ka soo badbaaday weerarka ayaa qaarkood waxa ay ka sheekeeyeen sida dadka masiixiga ah gooni loogu soocayay si loo dilo.
Dawladda Kenya ayaa sheegtay in dableydii weerarka geysatay oo afar ahaa la wada dilay intii weerrku socday.
In ka badan 800 oo arday ayaa jaamacadaas wax ka dhiganayay.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda amniga gudaha Monica Juma ayaa BBC-da u sheegtay in khatarta Al-shabaab ee Kenya ay tahay mid cad.
Dawladda Kenya waxa ay sheegtay in ay abaal gud la siin doona ciddi keenta macluumaad horseeda soo qabashada ninka la aaminsanyahay in uu weerarkasi soo qorsheeyay Maxammed Maxamuud Kuno oo hore u ahaa macallin dugsi sare  oo u dhashay Kenya, balse hadda la aaminsayahay in uu Soomaaliya joogo.
 
 
.
 
 
 

Leave a Reply