Ciidanka Booliska Oo Beeniyay In La Weeraray Saldhiga Sayla-bari

0
337

Baligubadle(Dawan):- Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Hawd, Gaashaanle Jamaaal Cabdi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war  sheegayay in dabley aan la aqoonsani ay shalay subax weerrartay saldhiga booliska degmadda Sayla ee gobolka Hawd.
“Horta warkaasi waa mid been abuur cad ah oo aanay waxba ka jirin saldhigga degmada Saylana waanu tagnay aniga  iyo maamulka gobolkuba. Warkaa laga qorayna waa been abuur cad,”ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Hawd oo u xalay u waramayay wargeyska DAWAN.
Waxaanu intaa ku daray talo uu  u soo jeediyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta oo uu kula dar daarmay warka ay qorayaan in ay iska hubiyaan inta aanay bulshada u gudbin isla markaana ay wax ka waydiiyaan cidda ay qusayso warka  baahinayaan.
Taliyuhu waxa uu waano u soo jeediyay warbaahinta dalka oo uu ku guubaabiyay inay ku dedaalaan xaqiiqada wararka ay ummadda u bandhigayaan, waxaanu yidhi “Warbaahinta iyo wariyeyaasha waxaan u soo jeedinayaa in ay iska hubsadaan waxa ay qorayaan ee ay bulshada u gudbinayaan ee aan jirin fidmana abuuri kara. Waxa  wanaagsan oo suxufinimadu ay tahay marka aad war maqasho inaanad iska qorin ee horta waa inaad hubsataa warkaasi inuu jiro iyo in kale.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply