“Xidhiidhka Aniga Iyo Madaxweynaha Waxba Iskama Bedalin” Wasiir Xirsi

0
449

Hargeysa (DAWAN) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay xidhiidhka uu xilligan la leeyahay madaxweynaha Siilaanyo, isagoo tilmaamay in dad mucaarad ku ah jecel yihiin inay isku dhacaan madaxweynaha, kadibna shaqada laga fadhiisiiyo.
Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa weftigii xukuumadda uga qayb-galay aqoonsigii Golaha Degaanka Cardiff ee dalka Ingiriisku siiyey Somaliland oo dalka ku soo laabtay khamiistii, ayaa madaarka Hargeysa ugu warramay saxaafadda, waxaannu meesha ka saaray inuu xumaaday xidhiidhka ka dhexeeya madaxweynaha Somaliland.
“Waxa aan filayaa shanta sanno ee aan joognay qaar ayaa filayey in xidhiidhka noo dhexeeya anniga iyo madaxweynaha uu xumaado oo kala tagno, iskuna dhacno, {kuwaasoo} lahaa waa la eryey iyo wuu tagay {Xirsi} markaa xidhiidhka noo dhexeeya anniga iyo madaxweynaha waxba iskama beddelin oo sidii uu ahaa ayuu yahay waanan shaqaynayaa oo waad arkaysaa inuu shaqo ii diray, shaqadii uu ii dirayna waan soo gutay, markaa waxma kama jiraan in xidhiidhkayagu xumaaday,” ayuu yidhi wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Waxa uu sheegay in wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ay ka qaybgaleen kulankii Golaha Degaanka magaalada Cardiff ee dalka UK ku aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland., balse uu wasiirka si degdeg ah ugu soo laabtay Hargeysa hawlo shaqo oo u yaalay dartiis.
“Waxa la yidhi ‘waddada yar waxay kugu riddaa waddada weyn.’ Ictiraafka Golaha Degaanka ee Carddif maaha ictiraafkii weynaa ee 100% ka helnay UK ama beesha caalamka, laakiinse waa bilawgiisii, waxaanan rajaynayaa in aannu beesha caalamka ku qancino ictiraafka Somaliland insha allaah,” ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Waxa kaloo uu dadweynaha reer Somaliland eek u nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba inay u dedaalaan sidii loo horumarin lahaa waddanka, beesha caalamkana loogu qancin lahaa wanaaga iyo dimuqraadiyadda ka hano-qaaday Somaliland.
“Dedaalka muwaaddiniinteenna ayaa keenay in magaalo caalamka ka mid ah garwaaqsato aqoonsigeenna, waana dedaal dawlad iyo shicib inoo yaal in aynu dunida gaadhsiino aqoonsigeenna oo aynaan ka daalin ilaa inta ay qirayaan,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu, isagoo intaas ku daray; “Mucaarid iyo muxaafidba qofka yaraysta ictiraafka Somaliland, qof ha yidhaahdo ama gobol ha yidhaahdee waa cid aan dannaynayn aqoonsiga Somaliland, waxaanna loo baahan yahay in bulshada caalamku garwaaqsato ictiraafka Somaliland, taasina waxay u baahan tahay magaalooyin, ashkhaas iyo dalalba in la gaadhsiiyo oo ay ogaadaan, tusaale ahaan, qaaradda Yurub waa magaalooyin badan, markaa haddii aynu ictiraafkeenna hoosta ka bilawno oo golayaasha degaannada magaalooyinkooda ka bilawno iyo dadka codbixiyaha ah waa mid guul ah, siyaasiyiintuna way ku khasbanaanayaan inay ina ictiraafaan.
Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ahaa weftiga ka soo laabtay dalka Ingiriiska, ayaa in ujeedada socdaalkoodu ahayd inay ka qaybgalaan dabaaldegii aqoonsiga Somaliland ee Cardiff, isla markaana aannu sidoo kale golayaasha degaanka Sheffield iyo Cardiff uga mahadnaqno wanaaga ay u sameeyeen Somaliland.
“Dad ayaa leh gole degaan ayaa idin aqoonsaday, waxa weeye qofkasta ama dawlad kasta oo wanaag inoo sameeya, Somaliland u yidhaah wax faa’iido u ah waxa la inooga baahan yahay in aynu u mahadnaqno, markaa socodkayaga inta ugu badan waxay ahayd in aannu ku dhiirigelino magaalooyinka kale ee Ingiriiska inay sidaas oo kale sameeyaan, una midoobaan qaddiyadda Somaliland, wixii siyaasad ah iyo loolanka dhexdeenna ahna meel la iska dhigo, qarannimada dalkeenna wax kasta laga horraysiiyo,” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply