Jamaal Cali Xuseen Oo Kulan La Yeeshay Xafiiska Arrimaha Dibadda Britain

0
327

London (Dawan):- Musharaxa  jagadda madaxweynaha ee  Xisbiga UCID   Jamaal Cali Xuseen, ayaa shalay  kulan kula  yeeshay magaaladda London  xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo Sooranka  u qaabilsan  boqortooyada Ingriiska.
“Saddex qoddob ayaanu kala soo hadalnay, Qodobka koowaad oo ah doorashooyinka Somaliland iyo sidii Dawladda Ingiriisku inooga taageeri lahayd Jadwalkooda iyo waxa laga qaban karayo si aan doorashadu  mar kale dib ugu dhicin. Arrinta labaad ee aanu kala hadalnay  waxay  ahayd   Arrinta xaaladda dalka Yemen ka taagan, waxaanu waydiinay sidii Qaxoontiga faraha badan ee Yemen ka imanaya Caalamku inooga caawin lahaa. Waxaanay  noo sheegeen in aanay  weli wax codsi ah ka hayn dawladda Somaliland laakiin, markay codsi ka helaan ay doorkooda ka qaadan doonaan,”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, waxaanu intaas dabo-dhigay  “Qodobka saddexaad ee aanu kala hadalnay xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo Sooranka  u qaabilsan  boqortooyada Ingriiska.  wuxuu ahaa in Ingiriisku innaga taageero xagga Caafimaadka oo dhakhaatiirta iyo Barnaamijyadda  xagga horumarinta Caafimaadka ay qayb ka qaataan, oo ay imikaba ka qeybqaataan sii xoojiyaan.”  Kulankaasi   waxaa ku wehelinayay  Jamaal Cali Xuseen  Xoghayaha kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee xisbiga UCID,  Xoghayaha Arrimaha Qoyska Marwo Kaltuun Cumar  iyo Xoghayaha Maal gashiga iyo Baayacmushtariga iyo Xubno kale oo ka tirsan xisbiga UCID.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply