Ciyaartoyda Isticmaasha Vitamins-ka C-da Iyo D-da Oo Looga Digay Isticmaalkooda

0
362

Daraasad ay dhowaan soo bandhigtay jaamacad ku taala magaalada Oslo ee dalkaasi Norway ayaa lagu sheegay in dhib badan lagala kulmo qaadashada Vitamins-ka faraha badan,sidoo kalena ay fiican tahay in qofkii doonaaya inuu caafimaadkiisu sii socdaa iska joojiyo,sida lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Die Welt oo dalkaasi kasoo baxa.
Waxay aad uga digeen khubarada daraasadan samaysay Vitamins-ka ay dadku u isticmaalaan inay jidhka ku koriyaan ,sidoo kalena ku dhisaan muruqyada oo ay sheegeen inay keenaan dhibaato aan laga soo kaban Karin.
Inta badan dadka ciyaartoyda aha ayaa ah siday sheegeen khubaradani kuwo karaatoon noocan ah qaata una isticmaala sidii ay u dhisi lahaayeen muruqyadooda,iyaga oo sidoo kalena isku muda isticmaalana irbado kala duwan ,taas oo ay khubaradan jaamacadda Oslo ku taalaa sheegeen inay saamayn xun ku yeelato jidhka.
Intii daraasadani socotay ayaa la sameeyey tijaabooyin iyada oo dad kala duwan laysu soo ururiyey ,loona qaybiyey laba kooxood,kuwaas oo qayb kamid ah la siiyey  Vitamins kala ah C and D,halka kuwa kale aan la siin wax Vitamins ah,kuwaas oo muddo toban cisho ah samaynaayey jimicsiiyo kala duwan.
Kooxda qaadatay Vitamins kan ayaa noqotay kuwo aan la mid ahayn kuwa aan qaadan,sidoo kalena waxay saamayn ku keentay markii ay jidhkooda ka baxday.
Waxa kale oo ay daraasadani soo bandhigtay inay dhibaato soo gaadhsiiso muruqyada Vitamins kaasi,kuwaas oo aan hadhow caafimaad ahaan u fiicnaan ,kuna keena gariir badan oo dadku markay waaweynaadaan ay yeeshaan,waxaanay kula taliyeen inay iska joojiyaan cunitaana dawooyinkaasi.
 

Leave a Reply