Jaamacadda Combrige University Oo Laga Dhex Helay Lafo Tiro Badan

0
364

Sida uu qoray wargeyska lagu magcaabo The Independent waxa jaamacadda Cambridge oo kamid ah jaamacaddaha ugu faca weyn caalamka, sidoo kalena ugu aqoonta badan laga dhex helay lafo aad u badan ,kuwaas oo lasoo saaray mar laysku deyaayey in la dhiso.
Lafahan ayaa laga helay qayb jaamacadda kamid ah oo lagu magcaabo St.George, taas oo la qorsheeyey saddex sanno ka hor in la dhiso, waxaana laga helay halkaasi 1300 oo xabaalood, kuwaas oo ay ku duugan yihiin ama ku aasan yihiin 400 oo lafood, kuwaas oo la sheegay in la aasay qarniyaddii 13-naad iyo 14-naad intaba.
Meeshan ayaa la sheegay inay ahaan jirtay dhakhtar uu  wadaadkaasi lagu magcaabi jiray George dadka ku dawayn jiray ilaa 1511,kadibna uu cisbitaalkaasi dumay, taas oo markii dambe lagu bedelay jaamacaddaasi .
Dadkan ayaan lagu aasin wax naxashyo ah, iyada oo ay khubaradu sheegeen in dadkaasi ahaayeen kuwo dan yar ah oo aan haysan lacago badan oo ay kusoo iibsan karaan naxashkaasi, taasina ay keentay in lagu aaso sidoodii.
Dr Craig Sesford ayaa sheegay in qubuurahani yihiin kuwii ugu waaweynaa ee ay helaan khubarada reer Britain inta la og yahay, taasina ay noqonayso mid taariikhi ah.
 
 
 
 

Leave a Reply